Deeq A. Posted Sunday at 07:00 AM Qaahira (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo qoys Soomaali ah ku qabsatay gudaha magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, kadib markii iyaga oo wada dhintay loogu dhex tegay gurigooda. Qoyskan oo ka koobnaa illaa lix qof ayaa dhammaantood geeriyooday, kadib markii ay ku qabatimeen gaas yiilay gurigooda oo ay ka seexdeen isaga oo furan. Wararka ayaa sheegaya in qoyskan la waayey warkooda maalintii Khamiista ahady, kadibna Sabtidii shalay maydadkooda laga helay gurigooda oo ku yaalla caasimada Masar. Mid kamid ah ehellada marxuumiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo tirada koobnaayeen dadka dhintay oo isugu jiray carruur iyo dad waa weyn. “Lixda qof waxa ay kala ahaayeen odey, wiil uu dhalay, gabar uu dhalay iyo inantu laba wiil oo ay dhashay iyo ninkii inanta qabay” ayuu yiri mid kamid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta. Sababta waxa kuu sheegay inay tahay gaaska oo guriga ku furmay, isla-markaana baaritaannada la sameeyay ay ku ogaadeen. “Geerida waxaa sababtay gaaska oo furan ayay ka seexdeen, dowladda Masar way timid waa la baaray, waxa sababay waxaa la ogaaday inay gaaska tahay oo guriga ku furmay” ayuu mar kale yiri. Booliska Masar ayaa sidoo kale ku howlan dhacdadaan, wuxuuna sii wadaa baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi oo si weyn u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta. Share this post Link to post Share on other sites