Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo shaqaale gargaar ku dishay marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku dilay laba nin oo ka mid ahaa shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya Gaza, gaar ahaan hay’adda hey’adda cuntooyinka ka soo ururisa dunida ee World Central Kitchen.

Bayaan kasoo baxay millatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in, in mid ka mid ah labada qof ee la dilay uu ka qeybgalay weerarki ay Xamaas ku qaadday Isra’il 7-badi bishi October ee sannadki 2023-ki.

Isra’il ma aysan sheegin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu qeyb ka ahaa weerarki todobadi October. Qoyska Axad Cazmi Qadeex ayaa beeniyay eedaha Isra’il kuna tilmaamay been abuur ay ku xalaaleysteen dilkiisa.

Waxay sheegeen in uu ahaa injineer noloshiisa u huray howlaha samafalka Gaza. Baabuur ay la socdeen isaga iyo qofka kale ee Falastiiniga ahaa ee lala dilay ayaa lagu dhuftay madfac xilli ay marayeen gudaha degmada Khan Younis ee koofurta Gaza.

World Central Kitchen waxay xaqiijisay weerarka cirka ahaa waxaana sheegtay in ay hakineyso howlaheeda gargaarka ee ay ka waddo Gaza, isla markaana ay si deg deg ah u sugeyso faah faahinta.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo shaqaale gargaar ku dishay marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this