Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin laga soo saaray heerka xanuunka HIV/AIDS-ka ee guud ahaan degaannada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20241201_140615571.jpg?resize=720

Dowladda ayaa maanta shaacisay warbixin ku saabsan heerka xanuunka HIV/AIDS-ka ee guud ahaan degaannada Puntland.

Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC oo shaacisay warbixintaasi ku saabsan heerka xanuunka ayaa sheegtay in tirada guud ee dawada HIV/AIDS-ka qaadata yihiin 646 qof.

Sida ay muujinayso warbixinta hay’adda PAC, waxaa magaalada Gaalkacyo oo keliya daawada AIV/AIDS-ka qaata 205 oo qof, halka caasimadda Garoowe ay daawada qaataan 197 ruux.

Magaalada Boosaaso waxaa daawada AIDS-ka qaata 181 qof, halka Qardho ay 54 qof ay qaataan dawooyinka HIV-ga, islamarkaana degmada Badhan 9 qof oo keliya qaataan daawada xanuunkani, sida ay tilmaantay warbixinta PAC.

Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC ayaa warbixintani ku soo bandhigay xuska maalinta Aids-ka aduunka oo maanta Garoowe lagu qabtay.

PUNTLAND POST

The post Warbixin laga soo saaray heerka xanuunka HIV/AIDS-ka ee guud ahaan degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this