Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo lagu daawaynaayo xanuunka Xiiqda oo la soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Cilmibaarayaasha waxay sheegeen in ay heleen markii ugu horeysay 50 sano daawo cusub oo wax looga qabanayo cudurka neefta.

Daawadan oo ah mid laysku duro waxa ay yareyneysaa qeyb ka mid ah difaaca jirka, waxayna ka dhigeysaa in uusan si weyn wax u difaacin marka ay soo baxaan astaamaha neefta iyo cudurada kale ee sambabka.

Daawadan oo lagu magacaabo Benralizumab waxaa hore loogu isticmaali jiray kiisaska aadka u weyn balse cilmibaaristii u dambeysay ayaa muujineysa in si joogto ah ay u isticmaali karaan ku dhawaad 2 milyan oo ku nool UK kuwaas oo sanad kasta ay neef ku soo boodo.

Kooxda cilmibaaristan sameysay oo ka tirsan Jaamacadda King’s College waxay sheegeen in daawada ay tahay mid isbeddel weyn keeneysa oo wax weyn ka qabaneysa daryeelka.

 

Dhammaan cudurrada sambabada iyo neefta isku mid mahan. Qeybaha kala duwan ee difaaca jirka bani’aadanka isku si uma shaqeeyaan, bukaanadana ma aha kuwo isku mid ah.

“Hadda waxaan aragnaa in ay jiraan qaabab kala duwan oo caabuq ah, waxaan noqon karnaa kuwo fahma oo u hela bukaanka dawada saxda iyo waqtiga saxda ah”, ayey tiri Prof. Mona Bafadhel oo ka tirsan jaamacadda King’s college.

Daawada Benralizumab waxay toos u beegsataa nooc ka mid ah unugyada dhiigga oo loo yaqaan iyo-sinifoow (eosinophil) oo keena caabuqa iyo in sambabka dhaawac gaaro.

Iyasinifoow waxay ku lug leedahay qiyaastii kala bar cudurrada neefta iyo saddex meelood cudurada sambabka.

Hadii arrintaas ay keento neefta oo qofka dhibta, xiiqsanaan, qufac iyo laabta oo laga qabto bukaanka, markaas waxba loogama qaban karo daawada caadiga ee sanka laga qaato oo la jiido. Hadda dhakhaatiirta, waxay dadka u qoraan daawada steroids.

Cilmibaarista waxaa ka qeyb qaatay 158 qof, waxaana bukaanadaas xaaladooda lala socday ilaa 3 bilood.

Natiijada soo baxday waxaa lagu daabacay wargeyska Lancet. Waxay ahayd dad gaaraya 74% oo qaata dawada steroids iyo 45% oo la siiyay daawada cusub. Kuwa qaatay daawada cusub in yar ayaa isbitaal u baahatay iyo daawo kale ama geeriyooday.

Prof Bafadhel waxay sheegtay in tani ka faa’ideysan karaan tiro badan oo gaareysa ilaa labo milyan oo cudurka neefta uu ku soo boodo sanadkii, waxay tiri “ma aha tiro yar taas”.

“Isbeddelkan weyn ee daaweynta waa mid aan na soo marin 50 sano, waxay wax ka baddeleysaa sida aan dadka u daaweyno marka ay xanuunsanayaan”, ayey tiri Prof Bafadhel.

Dadka sida mutadawacnimada leh uga qeybqaatay cilmibaarista, caafimaadkoodu wuu fiicnaaday, waxayna heleen nolol wanagsan.

Alison Spooner

Xigashada Sawirka,Alison Spooner

Qoraalka sawirka,Alison Spooner

Alison Spooner oo 55 jir ah kuna nool Oxfordshire UK, waxay qeyb ka aheyd daaweynta tijaabada. Cudurka neefta ayey qabtay ilaa iyo markii ay dhalatay balse way ka sii dartay shanti sano ee la soo dhaafay. Saddex jeer ayey si xun neefta u qabatay.

Waxay u muuqatay in ay ka sii dareyso, in aad neefsan weyso waa wax cabsi ah marka aad neef u baahato oo aadan neefsan karin”, ayey tiri Alison.

Alison waxay sidoo kale sheegtay in ay isbeddel weyn dareentay markii ay isku durtay dawadan. Weli way isticmaashaa daawada ay neef ahaan u jiiddo, sababtana waxay ku sheegtay in loo sheegay oo kaliya.

“Nasiibdarro, ma jirto daawo kaa wada joojin karta xanuunka neefta, balse tani waa tii ugu dhaweyd,” ayey tiri Alison.

‘Rajo Fiican’

Daawada Benralizumab ma ahan mid meel kasta hadda laga heli karo. Tijaabo weyn ayaa loo baahan yahay. Qof kasta oo hore loo siiyay waa in uu si wataa.

Cilmibaarista waxay sidoo kale qiimeyneysaa lacagta ku baxeysaa maadaama daawooyinka ceynkaan ah ay qaali yihiin.

Dr Sanjay Ramakrishnan oo ka tirsan jaamacadda Oxford waxa uu sheegay shaqada la qabtay ilaa hadda in ay muujineyso rajo fiican.

Geoffrey Pointing

Xigashada Sawirka,Geoffrey Pointing

Qoraalka sawirka,Geoffrey Pointing

In muddo dheer la isticmaalo waxay leedahay dhibaatooyin ay ka mid yihiin cayil, macaan iyo lafaha oo qofka jilca.

Geoffrey Pointing oo 77 jir ah, kana soo jeeda Oxfordshire UK, oo sidoo kale ka qeybgalay tijaabadan ayaa sheegay in aysan ku yeelan saameyn xun qaadashada kaniinyada steroids-ka.

“Si fiican uma hurdikarin markii ugu horeysay aan qaatay steroids-ka balse markii ugu horeysay cilmibaaristan, isla habeenkaas waa hurday, nolosheyda waxaan u qabsaday wixii markaas ka dambeeyay si dhib la’aan ah”.

Waxaa lagu qiyaasaa in maalin kasta UK ay cudurka neefta u dhintaan 4 qof iyo 85 qof oo qaba cudurada sambabka.

Dr Samantha Walker oo ka tirsan hay’adda Asthma + Lung UK waxay sheegtay in natiijada ay tahay war aad u fiican.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this