Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: The Mugger, the Mugged and the Magnoon, the case of Riyaale SNM

Recommended Posts

Xukuumadda Gabbal-dhaca joogta ee Rayaale Waxaan Kula Talin-lahaa Inaanay Sabab U Noqon ‘Gobanimadoo Ooyda

March 17th, 2009 Goto comments Leave a comment

Marka aad maqashid ‘Gobanimadii baa Ooydey’ waxa hubaal ah in si fiican u xasuusan doontid; heestii Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Hibo Maxamed Guddoon (Hibo nuura) - halka laga yaabo qaar kalena ineey is weydiiyaan Gobanimadu ma ilma caruur ah baa…aan idin xasuusiyo qaar ka mid ahaa erayadii heestasi oo ka soo maaxatey maskaxdii AHN Xuseen Aw Faarax- “Markii ay gabnowdee godol qaadi weydee gobanimadu ooydee gujo loogu daray…aaynu se marka hore isla qirno in Gobanimadu ooydo…ilmo dhagac ka siiso…gudh-dho oo qaadh-dho, waxaaneey u nugushahay dhamaan ficilladda ku aroora caddaalad-darrada, musuqmaasuqqa, eexda, aargoosiga iyo cabbudhinta ra’yul caamka. Dhamaan waxyaabaha xagal-daaciya Gobanimada, waxa gundhig u ah ku tumashada ‘Shuruucda’ oo keeni karta cawaaqib xumo aan la mahadin! waxaa wax lala yaabo ah in Afhayeenka Madaxweyne Rayaale, Ninka magaciisa la yidhaahdo, Siciid Caddaani Mooge, inuu muwaadin codsigiisa si faseex ah ugu gudbiyey warbaahinta ugu hanjabo inuu xidhi doono.

 

More secessionist tears shed for the Mugged ones. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

More tears from the Mugged ones

Garabka Isbedel Doonka UDUB Oo Xukuumada Ku Eedeeyay In Ay Masuul Ka Tahay Dibu Dhaca Doorashada Iyo Ku Tumashada Shuuruucda Dalka

March 19th, 2009

 

Cawil Shandad Baa Ka Taala Dalka……. Waana Ninka Rayaale Iyo Qoyskiisa Musuqmaasuqa Baray” Ismaaciil Yare

 

Hargeysa March 19, 2009 (Haatuf)- Garabka isbedel doonka ee xisbiga UDUB ayaa xukuumadda Rayaale ku eedeeyey dib u dhaca doorashada, musuqmaasuqa hantida dalka, ku tumashada shuruucda dalka iyo inay khalkhal gelinayso nabadgelyada iyo deganaashaha dalka.

 

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen xubno door ah oo ka tirsanaa golaha dhexe iyo fulinta ee UDUB balse haatan ah kuwo isbedel doon ah ka dib markii ay u cuntami wayday qaabkii loo maamulay shirwaynihii 2aad ee UDUB iyo natiijada doorashadaasi ka soobaxday. Shirkaas o ay shalay ku qabteen Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa

 

Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Somaliland Md Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo ka tirsan xubnihii xisbiga UDUB ee laga reebay shirweynihii labaad ee xisbigaasi oo halkaas kahadlay ayaa wuxuu Labada Gole ee Baarlamaanka ugu baaqay inay xilka ka xayuubiyaan Madaxweyne Rayaale, oo uu sheegay inuu si qayrul sharci ah ku fadhiyo kursiga madaxtinimada dalka, isla markaana isaga iyo wasiirka maaliyadu ku takri faleen hantida qaranka, Ugu horayna Wasiirkii hore daakhiligu wuxuu sheegay in ninka Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale jarka ka tuurayaa uu yahay Wasiirkiisa Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Cawil laba waxyaabood oo qudha ayuu u hayaa Riyaale, wuxuu ku yidhaahdaa ***** anigaa aqaana sida loola macaamilo been buu kuu sheegayaa ee walaahi inaanu aqoon ee wuu iska hadlayaa, ma aha tii Siyaad Barre ee uu u shaqayn jiray ee uu dadka sanaaduuqda ugu guri jiray, isagaa sanduuq halkan lagaga ridi doonaa, ta labaad ee uu yaqaanaa oo uu ku yidhi anigaa lacag kuu samaynaya, dharaar dhawayd wuxuu yidhi Cawil Anigu Kenya waxba kuma lihi oo waan bakhtiyayaa Riyaalena waxba kuma laha. Afar Guri ayuu Kenya ku leeyahay Cawil kaligii, Todoba baabuur oo Volve-na wuu ku leeyahay ninkaasi Jabuutina Company ayuu $350,000 saami ah uu ku leeyahay, Rayaale Ta uu Kenya uga furay saxaafada dambe ayaan ku sheegayaa, Rayaale aqal kuma laha laakiin wuxuu ku leeyahay waan ogahay.”

 

Eng Ismaaciil Aadan Cismaan, wuxuu sheegay in Wasiirka Maaliyada cilmigiisu uu gudhay oo uu ku xidhan yahay kii 1960-kii berigii la xidhay ee uu isagu inqilaabkii ka dhuuntay, waxaanu yidhi “Cawil-na cilmigiisu waa kii gudhay oo uu ku xidhan yahay kii 1960-kii berigii la xidhay ee uu isagu inqilaabkii ka baxsaday, dadku waxay moodaan inuu inqilaab dhigayay wuu ka baxsaday isaga oo baxsad ah oo dhuumanaya ayaa la qabtay intii heshiiskii la galay kuwii fashiliyay ayuu ahaa inqilaabkaasi. Cawil-na waa ninka Rayaale iyo Qoyskiisa musuqmaasuqa baray.”

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this