Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Gaarka ah ee Masar oo Lagu Wado inay Ka Qaybqaataan Hawlgalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Difaaca ee Masar ayaa shaaca ka qaadday qorshe ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya, si ay uga qaybqaataan hawlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo nabadgalyada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca, General Abdel Mageed Saqr, ayaa kormeeray askar si gaar ah u tababaran, kuwaas oo loo diyaariyay hawlgalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidankaan maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin Soomaaliya oo ay taageero siin doonaan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada la diyaariyay ee kusoo wajahan Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin cutubyada khaaska ah ee “Thunderbolt Forces” iyo “Airborne Forces,” kuwaas oo caan ku ah hawlgallada adag ee degdegga ah.

Talaabadan Masar ee ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya ayaa u muuqata mid lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyada oo Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS.

Ciidamada Masar oo caan ku ah awoodooda hawlgalka ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan sugidda nabadda iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Masar ayaa muddo dheer daneynaysay xasilloonida gobolka, iyadoo hadda tallaabadan ay muujinayso sida ay uga go’an tahay inay door muuqda ka qaadato hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this