Sign in to follow this  
Deeq A.

ku laabashada 1991-dii oo siyaasiyiin badan u noqatay halku dheg ay kula dagaallamaan cidda ay is hayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanadkii 1991 waxaa burburtay dowladdii dhexe ee dalka, waxaana billowday dagaallo sokeeye oo dhiig badani ku daatay, kuwaas galaaftay nolosha kumaan qof oo Soomaali ah, iyo qaxa malaayiin kale.

Colaado aan horay loo arag ayaa dalka gees walba ka qarxay, gobol kastaahina wuxuu noqday furin iskeed u madax-bannaan oo si maalinle ah laysku dilo, ayadoo waxa laysku haysto aan cidina si quman u qeexi karin.

Dhalashada qofka iyo reerka uu ka soo jeedo ayaa noqday faldembiyeed uu dil toogasho ah ugu xukumanyahay, taas oo keentay in dad badan oo aan wax galabsan si aan kala sooc lahayn loo beegsado.

Dhaca bareerka ah iyo isbaarooyinka ayaa kamid noqday xirfadaha mucaashka laga raadiyo, luuqadda keli ee lagu wada hadlaahina waxay noqatay qori caaraddiis iyo col abaabulan oo aan cidna  u aaba-yeelin.

30 sano wixii la dhisayay ayaa maalmo kooban lagu burburiyay, dalkii mar ahaan jiray ilayska hormarka Afrikana wuxuu isku badelay kawaan dadka lagu gowraco iyo goob bahlo galeen oo cidda joogtaahina ay nolol iyo geeri u dhexayso.

Goballadu saamaynta iyo waxyeellada colaadaha sokeeye uma sinayn oo kuwa koonfurta iyo bartamaha ayaa ugu darnaa, ayadoo meelaha qaar tuulo tuulo u gudubta la waayay, ka dib markii qoys qoys loo colloobay.

Dagaalladaas lagu hoobtay oo illaa hadda xurguftoodii meelaha qaar ka jirto, ayaa keenay kala irdhow bulsho oo illaa haatan xal waara loo la’yahay, gocashadiisuna ay dadweynaha saamayn xoog ku leedahay.

Si kastaba ha ahaatee 1991-dii ayaa Soomaalida ugu suntan maalin madow oo qaranimo qaxootinnimo badashay, masiibadii curatayna ay dad badan xabaalaha u dirtay, haybaddii dalka iyo hab-dhiskii dowladnimona meesha ka saartay.

Soo hadal-qaadidda xilliga noocaas ah ayaa dad badan urugo iyo uurku taallo ku dareensiinaysa, balse siyaasiyiinta qaar ayay u tahay halku dheg ay kula dagaallamaan cid ay is hayaan, xilliyada xiisadaha siyaasadeed aloosanyihiin ayaana ku laabashada 1991-dii halbeegga doodda laga dhigtaa.

Waaya-aragnimada iyo garaadka bulshada Soomaaliyeed  ayaan’se oggolaan doonin inay dib u raacaan dhabbahaas halaq mareenka ah, maadaama ay dhibkiisa xog-ogaal u yihiin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this