Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo la qorsheynayo in ay kulan yeeshaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda ayaa qorsheynaya kulan looga gol leeyahay in lagu dejiyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Geeska Afrika.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Arusha, isagoo ah guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), halkaas oo uu ka socday shirkii 24-aad ee madaxda ururka.

Ruto ma sheegin xilliga saxda ah ee kulankaasi dhici doono, balse haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa kulankii ugu horreeyay ee toos ah oo dhexmara madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya tan iyo markii Addis Ababa ay saxiixday heshiiskii muranka dhaliyay ee Somaliland 1-da Janaayo, 2024.

Sida ay hore u sheegeen madaxda Soomaaliyeed, kulan toos ah oo dhexmara madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ma dhici doono ilaa iyo inta heshiiskaasi laga noqonayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay inuusan la kulmi doonin ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ilaa uu ka laabto heshiiskii Somaliland.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulankani uu qeyb ka yahay dadaallada lagu daminayo xiisadaha u dhexeeya dalalka gobolka, balse ilaa iyo hadda Villa Soomaaliya kama aysan soo saarin wax war ah oo ku saabsan arrintan.

Waxaa la sugayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u caddeyso mowqifkeeda ku aaddan kulankaan .

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this