Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahad: Mucaaradka hal baa seegtay, walise dabaqabashey leeyihiin

Recommended Posts

Deeq A.   
Fahad-1.jpeg?fit=1024%2C762&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal ui ciwaan uga dhigay โ€œ๐‘ด๐™๐‘ช๐˜ผ๐‘จ๐™๐‘จ๐˜ฟ๐‘ฒ๐˜ผ ๐™ƒ๐‘จ๐™‡ ๐˜ฝ๐‘จ๐˜ผ ๐™Ž๐‘ฌ๐™€๐‘ฎ๐™๐‘จ๐™”, ๐‘พ๐˜ผ๐‘ณ๐™„๐‘บ๐™€ ๐˜ฟ๐‘จ๐˜ฝ๐‘จ ๐‘ธ๐˜ผ๐‘ฉ๐˜ผ๐‘บ๐™ƒ๐‘ฌ๐™€๐’€ ๐‘ณ๐™€๐‘ฌ๐™”๐‘ฐ๐™ƒ๐‘ฐ๐™„๐‘ตโ€ Fahad ayaa qoraalkaan uga hadlay qadiyadda mucaaradka ee arrinta Jubbaland.

Wuxuu sheegay in doodaha mucaaradka ay ku qurxoonaa lahaayeen inay ku qotomaan afkaar iyo aragti oo aysan noqon โ€˜mucaradnimo soo taagan kaliya.โ€™

โ€œHaddii Madaxweyne Xasan Sheekh lagu diidan yahay hirgalinta dastuur aan la isku raacsanayn iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, sidee baa loogu hambalyeynayaa Axmed Madoobe, oo la ogyahay inuusan qabanin doorasho xalaal ah oo hufnaan iyo wada tashi aan ku dhisnayn,โ€ ayuu yiri Fahad Yaasiin oo dagaal soo jireen ah uu kala dhexeeyo Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobaha ay mucaaradku taageereen uu baddalay dastuurkii Jubbaland, isla markaana toshay shaar la eg oo u ogolaanaya inuu xilka u tartamo laba jeer wax ka badan.

โ€œMucaaradnimo ku dhisan ku xumayn waxay dhashaa inaad lumiso jihaynta siyaasada, saxna maahan iney dhaqan noqoto in la taageero maamullada markay sharciga ku tumanayaan, iyadoo haddana Dowlada Federaalka lagu maagayo markay ku kacdo isla ficilladaas,โ€ ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Isagoo talooyin siinaya mucaaradka ayuu sheegay inay haboon tahay in aragtiyadooda ay dhinac isku raacdo oo ay mabaadiiโ€™ ku saleeyaan, si mowqifkooda iyo qowlkooda loogu kalsoonaado.

โ€œWaxaa iga suโ€™aale goormaan gaaraynaa mucaarad ku dhisan qiyam iyo mabaadiโ€™ joogta ah?โ€ Ayuu suโ€™aalay Fahad Yaasiin.

Sidoo kale Fahad ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu soo arkay mucaaradnimo bilaa mabdaโ€™ ah hadaladeeda sida ay isaga hor imaanayaan.

โ€œXanuunka ay leedahay mucaaradnimo noocaas ah waxaa laga warsan karaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhibbane u ah khudbadihiisii waaguu mucaaradka ahaa,โ€ ayuu yiri Fahad Yaasiin oo caawa soo saaray qoraalkaan.

Mucaaradka ay hoggaamiyaan Sheekh Shariif, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Kheyre ayaa si cad u taageeray Axmed Madoobe, iyagoo ku xumeynaya saaxiibkoodii hore Xasan Sheekh oo hadda talada dalka haya.

ย 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this