Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay hurinta colaadaha qabiilka ee gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1732947690336.jpg?resize=720%2C54

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali Jifa-jabsade ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay qeyb ka tahay hurinta colaad beeleedyada ka socda gobolka Mudug.

Guddoomiye Faysal Shiikh Cali ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ay ka siman yihiin isku dirka beelaha gobolka Mudug iyo in ay kiciyaan colaad qabiil ku dhisan sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka samaysay xuduudo qabiil islamarkaana beelaha ku kicinayso xuduud beeleed aan jirin si ay qeyb uga noqoto dagaallada qabiilka ee ka socda Mudug.

“Ama dowladda Federaalka ha ahaato ama kooxaha argagixisada ah ha ahaato ee kuwa badan oo mushkilad ka shaqaynaya ayaa jira. Xuduudo iyo dhulbaan lee nahay iyo fulaan baa dadka lagu kicinayaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali Jifa-jabsade.

Puntland ayaa marar kala duwan dowladda madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku eedaysay in ay xambaarsan tahay aragti qabiil iyo xuduudo la kala sheegto taasi oo soo celcelisa dagaal beeleedyada gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay hurinta colaadaha qabiilka ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this