Sign in to follow this  
Cowke

Anti Pirate Taskforce Kill Yemeni Fishermen

Recommended Posts

Cowke   

Maraakiibta ladagaalanka B/badeda oo laayay kaluumaysato Yamaniyiin ah.

 

Nin ayaa kudhintay sadex kalena waa ay dhaawacmeen,kadib markii ay ciidmada shisheeye ee gacanka cadmeed u jooga ladagaalanka burcad badeeda soomaalida ah ay kaluumaysato yamaniyiin ah ay xabadeeyeen iyagoo saran dooni kaluumaysi oo laga leeyahay wadanka Yemen,sida uu sheegay wasiirka arimaha guadaha ee wadanka Yemen.

 

Wasaarada warfaafinta Yemena nin uhadlay Nooh Salim Dolv, waxaa uu kaloo dhimashada 23 kaluumaysato Yamaniyiin ah oo ay ciidamada ladagaalanka burcad badeedu laayeen,waxaana kaloo ninkaasi sheegay in markabkii dagaalka ee xabadeeyay kaluumaysatadaas uu ahaa mid maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa xeebaha soomaaliya,kaasoo horay ugu soo laayay soomaaliya kaluumaysato soomaali iyo Yamaniyiin isugu jira.

 

Doonida kaluumaysatada Yamaniyiinta lagu laayay ayaa sida ay wasaarada warfaafintu cadaysay ahayd mid ay saarnaayeen rakaab yamaniyiin ah oo usucday magaalada Mukule oo koonfurta wadanka Yemen.

 

Wasaarada arimaha gudaha Yemen waxaa ay cadaysay in ay baaritaan kuwada khasaaraha iyo cida gaysaatay weerarka lagu qaaday kaluumaysatada Yamaniyiinta ah ee ay ciidmada shisheeye ee xeebaha soomaaliya ujooga ladgaalanka burcad badeeda soomaaliya ay laayeen kaluumaysatada Yamaniyiinta ah.

 

Kaluumaysatada Yamaniyiinta ah ee ku dhintay gacanta maraakiibta shisheeye ee ujooga gacanka cadmeed ladagaalanka burcad badeeda soomaalida ah tan iyo intii ay yimaadeen xeebaha soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa,iyadoona ay kaluumaystada soomaalida iyo Yamaniyiintuba ay kacabanayaan maraakiib waaweyn oo xaalufin kuwada bada soomaaliya,iyagoona laynaya kaluumaysatada wadamada Yemen iyo soomaaliya.

 

Xuseen Xasan Xuseen (Xuska)

SBC International Monitoring.

Xuseen2005_88@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this