Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo maanta khudbad jeediyey, waqti koobana u qabtay ciidanka DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Madoobe-2.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl

Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha waaranka loo jaray ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey gudaha Masjidka Madaxtooyada Kismaayo, wuxuuna si adag uga hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn sheegay in qorshaha Ciidamada lagu geeyey deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose uu nasiib darro yahay, isagoo waqti u qabtay ciidankaas.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay heystaan fursad yar oo ciidamadaas ay dib ugu celi karaan halkii laga keenay, isagoo u qabtay 15 maalmood oo kaliya.

Axmed Madoobe ayaa ku goodiyey in wixii ka dhasha joogitaanka ciidankaas ee dhulka Jubbaland uu masuuliyadooda qaadi dooni Madaxweyne Xasan Sheekh, oo sida uu sheegay ah ninka ay sida rasmiga ah isku hayaan.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Xasan Sheekh ay is hayaan, balse uu adeegsanayo Xamsa oo uu ku tilmaamay wiil yar oo burburinta Jubbaland loo adeegsanayo.

“Ani ma baqo, mana qaato Guuno iyo Laaluush aan ciidayda iyo dadkayga kugumeeyo, wiilasha reer Jubbaland ee Xassan Sheekh mustacmalka u ah, iyaga waxba nagama dhaxeeyaan, isma hayno, dagaalna kuma qaadayno ee waxaan is haynaa waa Xasan Sheekh oo dalka 1991-kii ku celinaya,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay joogitaanka Kismaayo ee Senator Ilyaas Gaboose oo sheegtay madaxweynaha Jubbaland, isagoo sheegay in soo afjaridda ninkaas aysan wax badan ku qaada doonin.

“10 daqiiqo igu qaadan mayso in aan Ilyaas Gaboose soo afjaro, oo lagu yiri MW-naad tahay, Madaxweyne-nimada Seerar waayay miyuu heli Ilyaas, waxaan diidanahay in aan dhiig daadiyo maanta, balse haddii aysan kawaantoobi waayaan waan qaadanaynaa go’aamo qaraar, tan cidna uga cabsan mayno, amnigeedana gorgortan kama galayno,”  ayuu Axmed Madoobe ka sheegay Masjid ku yaalla Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this