Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Tanzania uga qayb galaya Shir Madaxeedka EAC

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1732887749419.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan uu jeedin doono khudbad uu madaxda iyo marti sharafta uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliya ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika.

Qoraal ay soo saartay Villa Somalia ayay ku tilmaantay shirkaasi “mid taariikhi ah oo ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhexgalka gobalka, gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.”

Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka Bariga Afrika (EAC) sida ay Madaxtooyada Soomaaliya ki sheegtay qoraalka ay soo saartay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Tanzania uga qayb galaya Shir Madaxeedka EAC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this