Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalidu waxay halis ugu jiraan dhimasho si ay u gaaraan jasiiradda Faransiiska: ‘Waxaa naloo sheegay inay gaajo u dhimatay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaafadda dabaqadda dhexe ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si weyn loogu baroor-diiqayaa qoyska Fatxi Xuseen oo 26-jir ah.

Waxay ka hadlayaan argagaxa maalmihii ugu dambeeyay ee nolosheeda.

“Dadkii ka badbaaday ayaa inoo sheegay inay gaajo u dhimatay,” Samira, oo ah gabar la dhalatay Fatxi ayaa khadka taleefoonka sidaasi ugu sheegtay BBC.

“Waxay ku jireen badda muddo 14 maalmood ah, dadku waxay cunayeen kalluun ceeriin ah, waxayna cabayeen biyaha badda taasoo ay diiday. Waxay sheegeen in ay bilaawday inay aragto waxyaabo dhalanteed ka hor inta aysan dhiman ka dib maydkeedii waxay ku tuureen badda.

Maamulka deegaanka ayaa sheegay in Fatxi ay ka mid ahayd 24 qof oo Soomaali ah oo ku dhintay labo doonyood oo ay la socdeen ku dhawaad 70 qof oo ku dagtay xeebaha Madagascar.

Dadka badbaaday ayaa sheegay inay isku dayayeen inay gaaraan jasiiradda Mayotte ee dalka Faransiiska, taasoo ah waddo cusub oo khatar ah oo ay maraan Soomaalida magangelyo doonka ah

Boqollaal muhaajiriin ah ayaa la rumeysan yahay inay dhintaan sanad walba iyagoo isku dayaya inay u gudbaan jasiirad yar oo Faransiiska ku taal, oo 190 mayl waqooyi-galbeed kaga beegan Madagascar ee Badweynta Hindiya.

Taariikhdu markii ay ahayd 1-dii Noofambar, Fatxi ayaa ka soo duushay Soomaaliya kuna sii jeeday dekedda Mombasa ee dalka Kenya, waxaana ay halkaas ka soo raacay maalmo ka dib doon uu ku tagayso Mayotte.

Samiira waxa ay sheegtay in Fatxi ay u sheegtay walaashood ka yar in ay ku bixisay kharashka lacag ay ka shaqaysatay goob lagu dumarka lagu qurxiyo balse ay qorshahan ka qarisay qoyskeeda intiisa kale.

“Waxay necbayd badweynta, ma garanayo sababta iyo sida ay go’aankaas u qaadatay, waxaan jeclaan lahaa in aan habsiiyo,” ayay tiri Samira.

BBC-da ayaa la hadashay shan muhaajiriin ah oo sida Fatxi oo isku dayay inay gaaraan Mayotte. Waxay noo sheegeen in ay jiraan laba dariiq oo aasaasi ah ee ka baxa Soomaaliya ilaa jasiiradda. Qaarkood waxay doon ka raacaan Mombasa iyagoo sii maraya Comoros, halka kuwa kale oo lacag badan haysta ay Itoobiya uga duulaan Madagascar – sababtoo ah dadka haysta baasaboorka Soomaaliya waxay u qalmaan inay helaan fiisaha markay yimaadaan – ka dibna waxay raacaan doon yar oo ay ku tagaan Mayotte.

Waxay u aadaan Mayotte sababtoo ah dad badan ayaa aaminsan inay u furi doonto albaabka helitaanka baasaboorka Faransiiska iyo gelitaanka Yurub.

Muhaajiriin ku soo xoomay doon yar kuwaas oo ay isku dayaya in ay gaaraan Mayotte

Xigashada Sawirka,Getty Images

Qoraalka sawirka,Muhaajiriin ku soo xoomay doon yar kuwaas oo ay isku dayaya in ay gaaraan Mayotte

Soo galooti cusub

Mayotte waa qayb yar oo Faransiiska ka tirsan oo ku taal Badweynta Hindiya, dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay noqotay goob dagaal oo xagga sharciyada socdaalka.

Waxay ahayd qayb ka mid ah Faransiiska tan iyo 1841, Mayotte hadda waa waax ama gobolka Jamhuuriyadda taas oo macnaheedu yahay, aragti ahaan, isla xeerarka qaadashada baasaboorka ayaa lagu dabaqayaa meel kasta oo kale oo Faransiis ah.

Laakiin soogalootiga tirada badan ee dhowaanahan ku soo qulqulaya ayaa ku riixaya xukuumadda Madaxweyne Emmanuel Macron inay ka tagto mabda’a xurmada leh ee Faransiiska ee sinnaanta dadka oo dhan.

Booqashadiisii Mayotte bishii Febraayo ee sanadkan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Gérald Darmanin ayaa ku dhawaaqay in xuquuqda tooska ah ee dhalashada Faransiiska ee jasiiradda la burin doono.

Isbeddel dastuuri ah oo arrintan ku saabsan ayay dowladdu wadaa. Laakiin tani kama joojin soogalootiga inay yimaadaan.

Qoyska Fatxi ayaa sheegay in safarkeeda uu ku dhamaaday masiibo markii doonteeda yar ay ku luntay badda.

Waxa ay BBC-da u sheegeen in markii ay taasi dhacday ay kooxihii wax tahriibinayay ay matooradii ka soo saareen doonyaha oo ay dib ugu laabteen Kenya. Waxay ka tageen Soomaalidii oo go’doonsan, oo badda dul heehaabaya.

Mukhalasiinta ayaa u sheegay, “Waxaad ku gaari doontaan Mayotte saddex saacadood, taasoo isu beddeshay 14 maalmood,” ayay tiri Samira.

Frantz Celestin, oo ah Agaasimaha Gobolka Bariga, Geeska iyo Koonfurta Afrika ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ayaa sheegay in ay sii kordheyso in muhaajiriintu ay naftooda halis galiyaan iyagoo isku dayaya in ay gaaraan jasiiradda Faransiiska.

“Dhowaan 25 qof ayaa ku dhintay iyagoo safar kaa la mid ah ku jira, inta badan waxay sii maraan Comoros iyo Madagascar, guud ahaan sanadkan wuxuu ahaa sanadkii ugu dhimashada badnaa soogalootiga,” ayuu yiri.

Khariidad muujinaysa dariiqyada ay tahriibayaashu u maraan Afrika ilaa Mayotte.
Qoraalka sawirka,Khariidad muujinaysa dariiqyada ay tahriibayaashu u maraan Afrika ilaa Mayotte.

Ballanqaad nolol cusub

Inta yar ee nasiibka u yeelatay ee ka badbaadaan jidkan halista ah waxa ka mid ah Khadar Maxamed.

Waxa uu yimid Mayotte kow iyo toban bilood ka hor, laakiin waxa uu aad u xusuustaa dhibaatadii foosha xumayd ee uu u soo maray si uu u gaaRo jasiiradda yar ee Madagascar.

“Markii aan imid Madagascar, waxaa la i geeyay guriga mulkiilaha doonta, waxaan joognay halkaas 14 maalmood, waxaan ahayn Soomaali iyo kuwa kale oo ree Madagascar ah,” ayuu yiri.

Kooxda doonta sugaysay ayaa gaartay 70 qof. Waxa la saaray doon, waxaana la sii mariyay webi si ay ugaaran badweynta.

Khadar ayaa sheegay in uu Soomaaliya uga soo tagay xaalad amni oo jirta. Waxa uu aaminsan yahay in uusan haysan wax kala doorasho maadaama noloshiisa ay halis ku jirtay sababtoo ah waxaa uu sheegay inuu bartilmaameed u ahaa kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Dalkayga waxaan uga soo tagay badbaadadayda. Waxaan ahaa milkiile ganacsi, mana awoodin in aan shaqadayda qabsado al-Shabaab darteed,” ayuu yiri.

Qoysaska dhibanayaasha oo aan la hadalnay ayaa BBC-da u sheegay in eheladooda ay nolol cusub u ballan qaadeen dadka wax tahriibiya sidaas darteed waxay bixiyeen lacag dhan 6000 oo doolar si ay uga safraan Mombasa ilaa Mayotte. Kala bar lacagtaas ayaa la sii bixiyaa. Qaar badan sanado ayay ku qaadan kartaa inay kaydiyaan lacagtaas.

BBC-du waxay aragtay akoonnada barta bulshada ee TikTok ee lagu xayaysiisyo safarro lagu tagayo Mayotte iyo xitaa meelo kale oo Yurub ah.

Xayeysiintu waxay tilmaameysaa in hawl-wadeenadu ay dadka geyn karaan Mayotte iyagoo isticmaalaya doomo dalxiis oo waaweyn, laakiin qoysaska dhibbanayaasha ayaa sheegaya in mukhalasiinta ay isticmaalayaan doomo kalluumeysi oo aad u yaryar oo maxalli ah oo lagu magacaabo kwassa.

Dowladda Faransiiska ayaan ka hadlin musiibadan dhawaan dhacday. Laakin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Madagaskar ay ku wargelisay Tahriibayaal Soomaali ah oo la socday Labo Doomood oo ku qaraqmay Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladdiisu ay dadaal ugu jirto sidii ay ula xiriiri lahayd dadkii badbaaday, dibna loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daud Aweis ayaa BBC u sheegay Arbacadii in dowladdu ay wafdi u dirayso Madagascar toddobaadkan.

Dhanka kale waxaa weli baroor diiqaya qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadka dhintay.

Qoyska Fatxi ayaa sheegay in ay dacweeyeen ninkii wax tahriibinayay ee gabadhooda kaxaystay, ka dibna la xiray. Si kastaba ha ahaatee, markaasi ka dib ayaa waxaa lagu sii daayay dammaanad.

Samiira waxa ay sheegtay in iyada oo aan ogayn sida ay walaasheed dareemaysay daqiiqadaha ugu dambeeya ay tahay xanuun waligeed aan ka hari doonin.

‘’Waxaan jeclaan lahaa inay ila hadasho oo ay ii sheegto go’aankeeda. Waxay igu oran kartay nabad gelyo… hadda, ma aqaano sida aan ula qabsan karo dhimashadeeda, ayay tiri.

 

 

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this