Sign in to follow this  
Deeq A.

Saameynta Doorashada Somaliland ku Yeelan Karto Loollanka Shiinaha iyo Taywan ee Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Ka dib doorashooyinkii Somaliland ka qabsoomay 13-kii Noofambar ee bishan, waxa suurogal ah in loollanka Taywan iyo Shiinuhu ka wadaan gobolku u janjeedhsamo dhinaca Shiinaha. Muddo ka hor doorashooyinkan, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu iskaashi iyo xidhiidh adagba la sameeyey dalka Taywan, waxaanay ku dedaaleen in Shiinuhu ka caago badda cas, si Somaliland u kasbato reer Galbeedka, una aqoonsadaan, sidaasna Muuse Biixi mar kale ku helo kursiga. Bishii Jeenawari ee sannadkan, doorashooyinka oo aad usoo dhawaa, welina aan hal dal aqoonsan Somaliland, Muuse Biixi waxa uu is-afgarad la saxiixday dalka Itoobbiya. Tallaabadani waxa ay ahayd tallaabadii u dambaysay ee istiraatiijiyadda Muuse ee aqoonsiga, waxaanu rabay in Itoobbiya oo xarunta Midawga Afrikana ku taallo ay Somaliland aqoonsato, albaabka aqoonsigana u noqoto. Dhammaan tallaabooyinka Muuse isku dayay ee aqoonsigu waa ay guuldarraysteen, horumar badanna lagama gaadhin adkaynta xidhiidhka Taywan iyo dhammaystirka is-afgaradka Itoobbiya.

Gudaha Somaliland tallaabooyinkani waxa ay ka abuureen kala qaybsanaan daran. Waxa kale oo ay abuureen dagaallo gobollada qaar ah iyo khilaaf baaxad leh, arrimahan ayaa sumcad dilay deggenaanshihii Somaliland ku tilmaamnayd muddo dheer. Dhaawaca soo gaadhay xasilloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland waxa uu sii fogeeyey aqoonsigii Somaliland ku taamaysay muddada fog, xaajooyinkan isbiirsaday waa waxyaabaha loo aanayn karo guuldarradii Muuse Biixi kala kulmay doorashadii madaxweynannimada. Dhinaca kale, waxa fursad helay Cabdiraxmaan Cirro, ka dib markii dadku ka gadoodeen tallaabooyinka xukuumadda Kulmiye qaadday sannadihii dambe, sida in Somaliland bad u saxeexday Itoobbiya iyo wadahadallada madhalayska ah ee Soomaaliya lala yeesho.

Ajandayaasha xisbiga Waddani ee doorashada ka dib waa isu keenidda bulshada, dhammaynta khilaafka ka dhex taagan beelaha iyo dib-usoo-celinta dimuqraadiyadda. Si kasta oo ay ahaataba, soo laabashada Donald Trump waxa ay xaalad hubanti la’aan ah gelinaysaa Geeska Afrika, iyada oo Maraykanka iyo dawladaha la jiraa si toos ah u waajahayaan awoodda Shiinaha ee Geeska ku fidaysa. Maqaalkani waxa uu dul istaagayaa saamynta doorashada Somaliland ku yeelan karto mustaqbalka Geeska.

Istiraatiijiyadda Somaliland ee Taywan
Doorashada ka hor, Muuse Biixi waxa uu dejiyey istiraatiijiyadda Taywan. Soddon sano ka dib oo aanay Somaliland helin wax aqoonsi ah, doorashadii dhacday bishan aqoonsiga Somaliland waxa uu ahaa tiir weyn oo ka dhex muuqday ololaha dhinacyada tartamayay. Ka dib markii Muuse Biixi talada qabtay 2017-kii, waxa soo jiitay qaabka Taywan, oo aan la aqoonsanayn, xidhiidho aan rasmi ahayn ula samayso dalalka dunida, arrinkan oo keenay in dalal badan garab u noqdaan, iskaashina la sameeyaan Jasiiradda. Waxa uu dejiyey istiraatiijiyad Somaliland ku samaynayso xidhiidhada aan rasmiga ahayn ee ay Taywan muddada badan kusoo caano maashay. Kawdii Julaay ee 2020-kii waxa uu Taywan la saxiixday iskaashi, labada dhinacna mid kastaa waxa uu ka kale ka furtay xafiis danaha labada dhinac loogu adeego. Ujeeddada ugu muhiimsan ee xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Taywan, sida uu sheegay ergayga Taywan usoo dirsatay Somaliland Allen C Lou, waa “In laga hortago in Shiinuhu ku awoodaysto Badda Cas”, lana ilaaliyo marinka Badda Cas. Sannadihii 2023 iyo 2024, xidhiidhka Somaliland la leedahay Taywan waxa uu caawiyey dedaallada Somaliland u gashay in Maraykanku aqoonsado. Ka hortagidda in Shiinuhu awooddiisa ku ballaadhiyo Badda Cas iyo xidhiidhka adag ee ay Somaliland la gashay Taywan, ayaa ay Somaliland ku doonaysay in ay Maraykanka kaga hesho aqoonsi. Dedaalladani waxa ay keeneen in Muuse Biixi safar ku tago Maraykanka sannadkii 2022-kii.

Bishii labaad ee sannadkan, Taywan waxa ay sheegtay sannadda soo socda in ay kordhin doonto xafiisyada ku meteli doona Afrika. Arrinkani waxa uu u muuqan karaa mid adag, xilli Muuse Biixi doorashada waayay, awoodda Shiinuhuna kusii fidayso Afrika ka dib shirkii sannadkan ka dhacay magaalada Bakiin ee Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha. Shirkan waxa ka soo qaybgalay dhammaan dalalka Afrika eek u jira Midawga Afrika marka hal dal laga reebo, dhammaan dalalkaas ka qaybgalay shirka oo aaminsan mabda’a midnimada Shiinaha. Dalka kaliya ee ah saaxiibka Taywan ku leedahay qaaradda ayaa ah Eswatini.

Dekad lagu beddesho aqoonsi
Istiraatiijiyadda labaad ee Somaliland samaysay waa is-afgaradkii Itoobbiya, oo ay ku doonayso in aqoonsiga lagu beddesho bad bad . Istiraatiijiyaddii hore ee xidhiidhka Taywan marka uu keeni waayay aqoonsigii Somaliland raadinaysay, Muuse Biixina istusay guuldarrada doorashada uu kala kulmi karo, waxa uu u gudbay in uu Itoobbiya la gaadho afgarad. Tallaabadan oo uu ka caawiyey siyaasiga reer Ingiriis ee Maykal Ellis. Waa heshiis dhigaya in Itoobbiya badda Somaliland ku yeelato dhul dhinac kasta u dhan labaatan kiiloomitir, Itoobbiya oo xarun u ah Midawga Afrika na ay Somaliland aqoonsato, kalana shaqayso in dalalka kale ee Afrika waddadaas la qaadaan.

Inkasta oo Itoobiya ay Somaliland siisay dhul ay safaarad ka dhisato oo Addis Ababa ku yaalla, haddana isafgaradkii badda ee Somaliland iyo Itoobiya waa uu fashilmay, waxaanu u muuqdaa in uu keliya ahaa istiraatiijiyad Muuse Biixi ku rabay in mar kale lagu soo doorto. Dhinaca kale, isafgaradku waxa khilaaf xooggan ka abuuray gobolka iyo meelo kaxsanba, waxaanu khilaafka u weyni ka dhex abuurmay labada dal ee Itoobbiya iyo Masar, oo labaduba xidhiidh adag la leh Shiinaha, ahna laba xubnood oo ku cusub ururka BRICS.

Is-afgaradkaas ka dib, waxa kale oo gobolka gilgilay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Masar wada galeen, heshiiskan awgii oo ay Masar hub iyo ciidanba keentay Muqdisho laguna heshiiyey in Masar qayb ka noqoto ciidamada Midawga Afrika ee nabad ilaalin ahaan loo keeni doono Soomaaliya. Doorashada Somaliland waxyar ka hor, waxa sidoo kale isbahaysi saddex dhinac ah samaystay Soomaaliya, Eretariya iyo Masar, isbahaysigan oo ujeedkiisu yahay in laga hortago damaca Itoobbiya ku doonayso badda.

Tallaabooyinka Muuse Biixi qaaday sannadihii dambe waxa ay abuureen khilaaf iyo dagaal Somaliland dhexdeeda ah. Bulshada Laascaanood oo doortay in ay ka mid noqdaan Soomaaliya, waxa ay Somaliland kaga jaawbtay dagaal ka dhacay Laascaanood, bishii Ogos ee 2023-kiina, dadka dagaalkaas ku dhintay waxa lagu qiyaasay 300 oo qof, halka boqollaal kunna ku barakaceen. Dagaalkani, waxa uu wiiqay deggenaanshihii Somaliland iyo in aanay doorasho ka dhicin qayb ka mid ah gobolka Sool. Jabkii Somaliland ka soo gaadhay dagaalka Laascaanood waxa uu hordhac u ahaa guuldarrada Muuse Biixi kala kulmay doorashadii 13-ka Noofambar. Safiirka Somaliland u jooga Taywan, Maxamed Xaaji, iyo Taywan lafteeduba waxa ay dagaalka Laascaanood ku eedeeyeen Shiinaha oo farageliyey siyaasadda Somaliland, waana eed machadka Maraykanka ah ee AEI, oo xaruntiisu tahay Washinton uu xaqiijiyey. Dagaalka bariga Somaliland waxa uu hoos u dhigay sumcaddii Somaliland, waxa kale oo uu hoos u dhac ku yimid maalgashigii, sababo la xidhiidha cabsida laga qabay in deggennaan la’aantu sii baahdo.

Siyaasadda Shiinaha ee midnimada Soomaaliya
Shiinuhu, waxa uu kaga jawaabay iskaashiga Somaliland iyo Taywan in uu dardargeliyo siyaasaddiisa “midnimada Soomaaliya”, oo ah siyaasad Midawga Afrikana taageersanyahay. Dhinaca kale, Itoobbiya oo ka mid ah saaxiibbada istiraatiijiga ah ee uu Shiinuhu ku leeyahay Afrika, shirkado iyo wershado badan oo Shiine ahina ku yaallaan, Shiinuhu waa uu aqbalay isafgaradka Itoobbiya iyo Somaliland, isaga oo weli aaminsan siyaasaddiisa midnimada Soomaaliya, waxaanu ku baaqay in la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya. Shiinuhu, waxa uu Taywan ku tuhmay in ay ku xadgudubtay madaxbannaanida Soomaaliya. Sannadkii 2020-kii Shiinuhu waxa uu Somaliland usoo bandhigay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, oo jidad iyo madaarro ku jiraan, isaga oo shardi uga dhigay in ay xidhiidhka u jaraan Taywan, codsigan oo ay Somaliland diidday.

Doorashada ka dib, Shiinuhu waxa uu xoogga saarayaa in uu dardar geliyo iskaashi uu la sameeyo dalalka gobolka, oo ay Somaliland ka mid tahay. In kasta oo Shiinuhu laga soo bilaabo 2017-kii uu ciidan ahaan u joogay dalka Jauuti, haddana dekedda Berbera waxa uu u arkaa mid ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan Afrika. Dalal saaxiib la ah Shiinaha, xubnana ka ah BRICS, ayaa maalgashaday Berbera, sida Imaaraadka iyo Itoobbiya, Hindiyana waxa ay Berbera u aragtaa deked lagu beddelan karo Jabuuti oo cammiran. Shiinuhu waxa uu dejiyey barnaamijka “Nabadaynta iyo Horumarinta Geeska Afrika” oo uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Wang Yi ku dhawaaqay 2022-kii. Shiinuhu, waxa uu Geeska Afrika u soo magacaabay ergey gaar ah, Xue Bing, si uu uga shaqeeyo fulinta barnaamijkan. Somaliland waxa ay ku jirtaa meelaha la rabo in laga fuliyo barnaamijka, sidoo kalena waxa la rabaa in nabad la dhex dhigo dalalka xurguftu dhextaallo ee Ereteriya, Itoobbiya, Soomaaliya iyo Masar.

Maxaa laga filayaa Trump?
Soo laabashada Trump runtii waxa ay caqabad cusub ku noqonaysaa siyaasadda Geeska Afrika, waxaanay samaynaysaa jiho cusub, Trump-na waxa uu diyaar u yahay in uu dib u eego Somaliland. Muddo-xileedkiisii hore, kolkaas oo Shiinuhu saldhig ciidan ka samaystay Jabuuti, Trump waxa uu xidhiidho aan toos ahayn la sameeyey Somaliland si uu awoodda Shiinaha ee gobolka uga hortago. Doorashadan Somaliland ka dhacday ka dibna, waxa suurogal ah in Trump sii adkeeyo xidhiidhka Somaliland, siina wado qorshihii Biden ee Maraykanku saldhig kaga dhisanayay Berbera. Waxa kale oo suurogal ah in Taywan ay Maraykanka ku qanciso in uu dardar geliyo iskaashiga Somaliland. Trump, waxa uu la kulmayaa cadaadis weyn, gaar ahaan kooxo reer Ingiriis ah oo ku riixaya in uu garab istaago dimuqraadiyadda iyo deggenaanshaha Somaliland, una aqoonsado dal madaxbannaan. Si kasta oo ay ahaataba, in Maraykanku aqoonsado Somaliland waa mashruuc aan weli far ka qodnayn.

Maqaalkan waxaa laga soo turjumay madash PanAfrican Review

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this