Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo beeniyay in uu xil ka qaban doono xukuumadda cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha xisbiga Waddani mufane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa beeniyay wararka sheegaaya in uu noqon doono wasiirka cusub ee arimha gudaha iyo wasaarad kale toona ee xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu soo dhisi doono.

Gudoomiye Xirsi waxa uu sheegay in aanu wax xil ah aanu ka rabin xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ee uu ku eekaan doono armiha xisbiga Waddani ee gudoomiyaha ka yahay.

Waxa suuqa aad ugu jira warar kala noc nooc ah oo lagu faafinaayo baraha bulshada iyo maqaaxiyaha ay bulshadu ku kalanto oo wasaarad kasta la sheegaayo wasiirka cusubee qaban doona taasi oo lagu tisaayo shaqsiyaad aan waxba kala socon oo laga been abuuranaayo.

Hadaa masuul ka tirsan xisbiga Waddani ayaa noo xaqiijiyay in aan cida uu madaxweyne Cirro magacaabo doono aan isaga mooyee cid kale ogayn dhamaan wararka suuqa yaacayaana ay been yihiin waxana uu raaciyay in la arki foono uun marka uu isagu ku dhawaaqo

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this