Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo caawa ansixiyay guddiga doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1732645264407.jpg?resize=720%2C48

Golaha wasiirada Soomaaliya oo Caawa yeeshay shir deg deg ah ayaa ansixiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in golaha wasiirada oo caawa yeeshay shir deg deg ah ay ansixiyeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Guddiga madaxa doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka  iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka.

“Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa” ayuu sii raaciyay bayaanka.

Xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha waxa ay kala yihiin:

1) Cabdikariim Axmed Xassan
2) Saadiq Abshir Garaad
3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan
4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo
5) Cumar Abuukar Cumar
6) Farxiyo Maxamed Yusuf
7) Dr. Cumar Jamac Maxamed
8 )Faarax Cabdi Xasan
9) Sahro Diiriye Muuse
10) Cabdullahi Salaad Yaroow
11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi
12) Cabdi Cadow Maxamed
13) Cabdishakuur Abiib Haayir
14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil
15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed
16) Naasir Maxamed Shire
17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici
18) Maxamed Cumar Ismaciil.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo caawa ansixiyay guddiga doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this