Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan ayaa booqashadii u horaysay ku tagay guriga Xasan Ciise Jaama

Recommended Posts

Deeq A.   

img_1_1732616576829.webp

Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo maanta socod lug ah kaga baxay gurigiisa ayaa booqasho iyo duco ugu tagay madaxweyne ku xigeenkii Somaliland Muj Xassan Ciise Jaamac .

Muj Xassan Ciise ayaa u jiifa xaalad caafimaad , waxaana la filayaa in dhawaan dhakhtar dibadeed loo qaado .

Madaxweynaha la doortey ayaa alleh uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo , isla markaana waxuu cadeeyey in maanta qarankiisu garab taagan yahay , xaaladiisa caafimaad .

Muj Xassan Ciise Jaamac ayaa madaxweynaha la doortey uga mahadnaqey booqashadiisa , waxaana uu alleh uga baryey in xilka dhawaan loo doortey eebe ku garab galo .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this