Deeq A. Posted November 26 Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xasan Nuur Cabdi u magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Badhaadhe. Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Raaskambooni, oo hoos timaada degmada Badhaadhe, lagu daabulay boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland ayaa doonaya in uu ka hortaggo saameynta Ciidanka dowladda ee halkaasi la geeyay. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in doorashadii Madaxweynaha Jubaland ee shalay loo arkay mid sharci-darro ah. Dowladda Federaalka ayaa amartay in Garyaqaanka Guud ee Qaranka uu diyaariyo dacwad ka dhan ah arrintaas, si loo horgeeyo Maxkamadda Sare ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites