Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka dhigantahay dacwadda ay golaha wasiirradu ka gudbiyeen hoggaamiya jubbalaan ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo shir degdeg ah ka yeeshay xaaladda Jubbalaan iyo dib u doorashada hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa garyaqaanka guud ee qaranka faray inuu ka howl-galo oogista dacwad ka dhan ah doorashadii ka dhacday Kismaayo.

Dacwadan ay golaha wasiirradu gudbiyeen ayaa dad badani u arkaan in looga golleeyahay in xukuumaddu ay sharciyad u hesho inay tillaabo ka qaaddo madaxweynaha Jubbalaan oo markii seddaxaad ku guulaystay doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Fallanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in dacwaddani aysan wax weyn ka badeli karin mowqifka hoggaamiyaha Jubbalaan oo dhowaan si cad u sheegay inaanu dowladda dhexe aqoonsi iyo sharciyad midna uga baahnayn, balse in garsoorka dalku uu soo saaro amarro ka dhan ah maamulkiisa ayaa Xukuumadda awood u siinaysa inay qaaddo tillaabooyin ka dhan ah Jubbalaan.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulka oo halkii ugu sarraysay gaaray ayaan la ogeyn halka uu ku dambayn doona, dowladda federaalkuna waxay ciidamo aad u hubaysan geysay deegaanno ka tirsan maamulkaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this