Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuuliyiin iyo ciidan ka baxay Muqdisho oo gaaray degmada Garbahaarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo dhowaan Jubbalaan ay sgeegtay inay shaqada ka joojisay ayaa saaka degmada Garbahaaray ee xarunka gobolka Gedo.

Wefdigan oo la sheegay inay la socdaan ciidamo aad u hubaysan ayaa hadda ku sugan gudaha magaalada, waxaana jira warar sheegaya in garoonka degmada ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan xoogga dalku.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbalaan uu cirka isku shareeray, islamarkaana dowladdu ay sheegtay inaysan aqoonsanayn doorashadii dhowaan uu ku guulaystay Axmed Maxamed  Islaam.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this