Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la yeeshay qaar kamida odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulam la qaatay qaar kamida duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee saamaynta ku lahaa doorashooyinkii dadbanaa waxa uuna ugu horeyn warbixin ka siiyey 3-da xeer ee doorashada ee Baarlamaanka ansixiyay , kuwaas oo kala ah, Xeerka dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ,Xeerka ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , iyo Xeerka doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa si qoto-dheer u faahfaahiyay heerarka ay soo mareen xerarkaasi, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay mar walba hormuud ka yihiin hagidda bulshada Soomaaliyeed.

Dhankooda odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageeray xeerarkaas doorashada ee Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay hor-usocad wanaagsan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this