Deeq A. Posted November 26, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbax lagu taageerayo hanaanka doorasho qof iyo cod, xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka dhalatay doorashadii Kismaayo ka dhacday. Banaanbaxan oo uu qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa lagu taageeray go’aankii labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay ku meel-mariyeen xeerarkii doorashooyinka, xisbiyadda iyo guddiga doorashada iyo sohdimaha dalka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa boqolaalka shacab ee isugu soo baxay caasimada kala qeyb-galay banaan-baxa lagu taageerayo hanaanka doorasho ee lagu muransan yahay. “Shacabka isugu soo baxay taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go’aanka madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumada Dan-Qaran ee ah in dalka uu aaday doorasho qof iyo cod, si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku dooran karo madaxda dalka,” ayaa lagu yiri qoraal uu maamulka gobolka Banaadir kasoo saaray banaanbaxa maanta ka dhacay Muqdisho. Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado doorasho qof iyo cod, si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto. Sidoo kale waxaa isku soo baxa maanta goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, madaxda ururada dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada caasimadda. Si kastaba, hanaanka doorasho qof iyo cod ee sida weyn ugu dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmaya diidmo culus, kadib markii ay ka horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo iyagu u arka in madaxweynaha uga dan leeyahay damac muddo kororsi sharci darro ah. default Share this post Link to post Share on other sites