Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbahaysiga NATO oo maanta shir deg deg ah ka yeelanaya gantaalka halis badan oo Ruushku adeegsaday

Recommended Posts

Deeq A.   
thumbs_b_c_f5d785af312281ebb4257461bde6b

Isbahaysiga NATO ayaa maanta oo Talaado ah shir deg deg ah ka yeelanaya xiisadda cirka isku shareertay ee ka dhex taagan Ruushka iyo Reer Galbeedka.

Shirkani deg deg ah ee NATO ayaa ka dhashay tallaabada uu Ruushka u adeegsaday gantaalka riddada dhexe ee guuxisa ka dheereye ee Oreshnik sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta difaaca Isbahaysiga NATO.

Oreshnik waa gantaal nooc ku cusub oo halis badan wuxuu leeyahay lix madax oo awood u leh in uu halkii gantaal riddi karo lix bambo sidoo kale gantaalkani ayaa awoodda in madaxyadiisa lagu xiro bambooyin nukliyeer ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in gantaalkani Oreshnik uu wax ka yar 20 daqiiqo ku gaari karo caasimadda ugu fog qaaradda Yurub islamarkaana aysan iska difaaci karin Mareykanka iyo Yurub midna.

Shirka maanta ayaa loo arkaa mid u ah dhacdo masiiri ah NATO, waana kulan laga sugayo dooddo adag— natiijadana waa in ay qaataan NATO go’aan is xakameyn ah ama waxay qaadi doonaan tallaabooyin ka dhan ah Ruushka.

PUNTLAND POST

The post Isbahaysiga NATO oo maanta shir deg deg ah ka yeelanaya gantaalka halis badan oo Ruushku adeegsaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this