Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada Federaalka oo Waxba Kama Jiraan ku Tilmaamay Doorashada Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan degdeg ah isugu yimid, iyagoo ka falcelinayay doorashadii maanta lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Jubbaland.

Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in doorashadaasi ay tahay mid sharci-darro ah, waxna kama jiraan ku tilmaamay natiijada ka soo baxday.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu jebiyay shuruucda dalka, iyagoo garyaqaanka guud ee dowladda ku amray in uu diyaariyo dacwad rasmi ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe.

Dacwaddan ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee dalka si loo waafajiyo xeerarka iyo shuruucda uu dalku leeyahay.

Tani waxay u muuqataa in ay ka sii dartay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, iyadoo labada dhinac ay muddooyinkii ugu dambeeyay isku hayeen arrimo la xiriira hanaanka maamulka iyo doorashooyinka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this