Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ku baaqday in wada-hadal lagu xalliyo wixii Khilaaf ah ee ka jira Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-iyo-Madoobe.jpg?resize=480%2C320&ss

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha markii saddexaad dib loo doortay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Dhambaal Hambalyo ah oo uu Madaxweyne Deni u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe ayuu ku yiri”Waxaan u hambalyeeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland.”

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni ayaa sidoo kale dowladda iyo shacabka Jubaland ugu baaqay in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida Jubaland, wixii kala aragti duwanaansho ahna in lagu xaliyo wadahadal.

“Jubaland waxaan u rajeynaynaa nabad iyo horumar, waxaana ugu baaqaynaa Dowladda Jubaland iyo Shacabkaba in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida Jubaland, wixii kala aragti duwanaansho ahna in lagu xaliyo wadahadal” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ku baaqday in wada-hadal lagu xalliyo wixii Khilaaf ah ee ka jira Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this