Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka oo Ciidan Ka Dajisay Raaskambooni, Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka dejisay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose kuwaasoo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 18-aad ee Gorgor, Kornel Xasan Ciraaqi.

Ciidankan, oo saaka laga soo qaaday magaalada Muqdisho iyadoo la adeegsanayo labo diyaaradood, ayaa gaaray Raaskambooni, iyada oo wali aan si rasmi ah loo shaacin ujeedka hawlgalkan.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Kismaayo lagu doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Dowladda dhexe ayaa hore u muujisay inay kasoo horjeeddo hannaanka ay doorashadan u socoto, taasoo xiisadda ka dhex dhalisay labada dhinac.

Ciidankaan ayaa sheegay in ay buuxin doonaan meelo ay ka baxeen Ciidanka ATMIS.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this