Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Sixth day of heavy fighting, 130 dead, hospitals full..

Recommended Posts

Maalintii lixaad oo ay dagaallo aad u cul-culus ka socdaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho

Posted to the Web May 12, 09:57

 

Muqdisho (PP) - Dagaalladii u dhexeeyay dhinacyada ku dagaallamaya Magaalada Muqdisho oo galay maalintoodii 6-aad iyadoo dagaalka socda maanta uu ahaa mid soo billowday habeennimadii xalay saqdii dhexe.

 

 

Ugu yaraan 23-qof ayaa ku dhintay in ku dhow 40-maeeyo kalena waxay ku dhaawacmeen dagaalladii xalay ka dhacay Muqdisho illaa haddana socda, waxaana Puntlandpost u xaqiijiyay dhaawacyada dadkaan aadka u faraha badan qaar ka mid ah isbitaallada ugu waaweyn Muqdisho.

 

 

Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka argagaxisada oo iyagu ku loolamaya gacan ku haynta magaalada Caasimadda ee Muqdisho ayaa ka naxayn dadka ay ku kor dagaallamayaan, waxaana xalay ay ku tuurayeen magaalada Muqdisho madaafiic aad u fara badan.

 

 

Dadka Deegaanka lagu dagaallamayo ku nool qaakrood oo Puntlandpost u warramayay ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid aad culus isla markaana ay dhowr jeer ka codsadeen labada dhinac inay dagaallka ka joojiyaan balse ay diideen.

 

 

Dadkaas waxay sheegeen in labada dhinacba ay si isku mid ah ula dhaqmaan marka ay xaafadaha soo galaan, waxaana mid ka mid ah dadka deegaanka uu sheegay inay dhacdo in mararka qaarkood dadka guryahooda ku haray ee doonaya inay ilaashadaan ay la kulmaan hanjabaado iyo dilal gardarro ah.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

 

 

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

 

 

E-mail: Puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal qaraar oo maalintii lixaad ka soconaya Muqdisho

N,B ka fiiri hoos sawirada goobaha la isku hayo

 

Mogadishu 12 May. 06 ( Sh.M.Network) Dagaal Qaraar oo saakay 7 dii aroornimo mar kale dib uga qarxay deegaanka Siisii ayaa ilaa iyo wali soconaya, iyadoo labada dhinac Madaafiic iyo hub culculus ay isku adeegsanyaan, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ku socda madaafiic iyo rasaas Habow ah oo dad badan oo rayid ah ay ku waxyeeloobeen.

 

Wariye Mekail Rashiid Barre oo ka tirsan Shabelle oo ku sugan goobta dagaalka ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu yahay mid marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, iyadoo maleeshiyooyinka labada dhinac ay saaran yihiin dabaqyo dhaadheer oo aan wax masaafo ah isku jirin, halkaasi oo ay iska liifayaan.

 

Dagaalkaan oo u dhaxeeya maleeshiyooyin kala taabacsan Midowga Maxaakiimta islaamiga iyo Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ayaa geeystay qasaaro naf iyo maalba leh, iyadoo aysan jirin wali waanwaan rasmi ah oo laga dhex wado labada dhinac oo maalintii lixaad ku dagaalamaya Mag. Muqdisho.

 

Madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay goor dhoweyd dhowr guri oo ku kala yaala xaafadaha labada dhinac ay isku hayaan ayaa burburiyey guryo badan, inkastoo dadkii daganaa ay horey uga barakaceen.

 

Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayaa sawaxanka rasaasta labada dhinaca ay is weydaarsanayaan deegaanada ku dhow dhow degmada Yaaqshiid oo inta badan dadkii daganaa ay ka qaxeen.

 

Haweeneey ka mid ah dadka deegaanka Lafweyn oo wariyeyaasha shabelle kula kulantay goobta dagaalka ayaa waxa ay sheegtay in ay ka qixi laheyd halkaasi balse ay ka tagi la'dahay oday waayeel ah oo abaheed ah oo 110 jir ah , iyadoo sheegtay in gurigeeda labada dhinac ay dhufeysyo uga jiraan 4 gawaarida dagaalka ee loo yaqaano shilkaha, kuwaasi oo rasaas ka ridaya, loona soo jawaabaya, waxaana ay ku cataawday "dadkii waa baaba'ay, xabada hanalaga joojiyo, wax noo dhiman malaha, meel aan aadno malahan iyo ereyo kale".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaaladii Muqdisho oo galay maalintii 6aad Oo dhaawac iyo dhimasho geystay saakay

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

 

C/Qaadir M Cusmaan Email: somec3@yahoo.com

 

Gaari Tikniko ah

 

Waxaa hada uu ka socdaa dagaal degaanka SiiSii oo uu ka bilowday iyadoo dagaal xoogani uu ka socda dhabrka danbe ee hotel Lafaweyne iyo Dhabarka Sii Sii ee xaafada Tookiyo dagaalka subaxaan ayaa geystayu dhimasho iyo dhaawac.

 

Dagaaladaan ayaa galay Maalintii lixaad iyadoo ay yihiin kuwa socda habeen iyo maalin layskuna adeegsanyo hubka noocyadiisa kala duwan, Fardowsa Maxamed Cabdulle oo ku sugan Gurigooda oo ku yaal Sii Sii ahna saxafiyad ayaa Goobjoog.com u sheegtay in dagaaladu ay ilaa xalay ay socdeen balse subaxnimadaan aad loo isticmaalayo Madaafiicda, fardowsa ayaa sheegtay in madaafiicda iyo xabadaha habowga ah ay aad u waxyeelaynayaan dadweynaha iyadoo noo sheegtay in wiil abtigeed uu dhalay oo guriga joogay uu dhaawacmay saakay.

 

Khasaaraha Dagaalka ayaa lagu qiyaasayaa iney kor u dhaaftay 130 qof oo ku geeriyootay intooda badana ay yihiin dad rayid ah. Halka dhaawaca uu kor u dhaafay 200 qof.

Shariif Maxamed oo aaga dagaalka degan ayaa isagoo u waramaya Goobjoog.com wuxuu u sheegay in ilmihiisii uu qixiyay isagana uu waardiyaynayo Guriga wuxuuna tilmaamay in cabsi weyn ay jirto in dagaalkaan qaab loo joojiyaa aysan jirin, wuxuuna intaa ku daray “dagaaladii hore waxaa ay ahayeen kuwo salka ku hayo qabiil iyo siyaasad oo Odayaal dhaqameedku dowr ku yeelan karaan in la joojiyo, hada ma naqaan waxa laysku dagaalayo, meel dadku ku badan yahay ayaa Soomaaliyoo dhami isugu timid si ay iskugu dagaasho†Isagoo hadalkiisu caro ka muuqato ayuu raaciyay “ Ma taageersanin cidna Maxkamad ama Argagixiso la dirir, xabada hanaga daayaan, waxaan rabnaa inaan nabad uun helnoâ€

Waxaa wararka intaa ku darayaan in guryaha qaar bililiqo loo geystay, oo cabsi weyn ay soo wajahday intii u hartay iney wardiyeeyaan Guryaha.

 

Wararka xaqiiqdaa ayaa tilmaamaya in in lagu kala xoog raanaadaa ay aad u dhib badan tahay, waxaana ay u badan tahay xarig jiid aan dhaamaanayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BBC/Q&A on the fighting

 

Death toll soars in Somali fightingPublished: Friday, 12 May, 2006, 12:59 PM Doha Time

 

MOGADISHU: Islamic militia and gunmen loyal to a US-backed warlord alliance fought pitched battles in the streets of the lawless Somali capital yesterday as the death toll from five days of clashes soared.

 

Machine gun, rocket and mortar fire rained down on bullet-scarred neighbourhoods in northern and central Somalia, indiscriminately killing and wounding civilians while residents fled their homes in terror, witnesses said.

 

Overnight violence claimed at least 17 lives as shelling of urban residential areas intensified and eight people died later as the two factions showed no sign of heeding widespread appeals for a truce, they said.

 

“Seventeen people were killed overnight, mostly by heavy mortar shells,†Ahmed Idriss, a Somali peace activist, said, adding that another 36 had been wounded and taken to hospitals.

 

Four civilians and four gunmen — three alliance fighters and one Islamist — were later confirmed killed by sources on both sides.

 

Meanwhile, thousands of civilians fled the most-affected Huriwa, Yaqshid, Waharaade and Sisi neighbourhoods, leaving up to 70% of homes empty amid the continuing chaos, residents said.

 

“There is very heavy fighting here with huge shelling,†said Huriwa resident Abdinasir Mohamed. – AFP

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this