Maaddeey Posted October 28, 2009 Wadaad ayaa Muxaadaro cinwaan uga dhigay: ATTAKFIIR MIN TALEEX ILAA TORA BORA, haddaba meelaha ay isaga egyihiin Saidka & Alshabaab ayaan hoos ku soo koobayaa intaan ka gaaro: Adeegsiga Gabayga Waxaa la hubaa in Sayidku suugaanta meel sare ka istaagay siiba gabayada, laakiin markuu halganka billaabay Sayidku gabayga sidaa kumuu ahayn oo Diiwaankiisa waxaa ku jira mid & laba laga garan karo arrintaas, markii dambase wuxuu gaaray inuu gabay carbeed tiriyo ood mooddo in dhiig lagu qoray oo u dhaca sida MADFACA! kuna dhamaada: DAM DAMAA!. Waxaan aragnaa sida AL-Shabaab xoogga u saaraan suugaanta, iyagoo weliba u isticmaala si xeeladeysan: Carabaha & Dunida Muslimka: Nasheedooyin Europe & North America: Hip hop Soomaalida: Afarreyda Abu-Zubayr (Ina Godane). Xuduudaha oo laga gudbo Al Shabaab waa caddeysteen inaysan Somaliya kaliya ku ekeyn ooy rabaan iney xuduudaha ka tallaaban! waxa ugu badan ee lagu eedeeyo waa in ay ku xiran yihiin Badaha gadaashooda & buuraha Tora Bora, waxana la dhihi karaa waa khilaafka keliya ee kala dhexeeya Xizbul Islaam. Sayidkana siyaasad taa la mid ah ayuu qabay waxana kuu caddeynaya tixdan gabyga ah: Haddaan waayey calan lay nashriyo tan iyo Nayroobi Miyaan waayey naamuus janniyo daalac iyo naasil Haddaan waayey Ciidoo naqliyo inaan Nugaal daaqo Miyaan waayey neefaan xarbada naalo ugu fuulo Haddaan waayey ruux iga naxoo ii nasabad sheegta Miyaan waayey naxariis Alliyo Nebiga Jaahiisa. Dagaalka Qallafsan ee Mucaaradka Waxaan wada ogsoonnahay sida ad-adag ee Al Shabaab ula dhaqmaan dadka ka soo horjeesta, sidaas si ka daran ayuu Sayidku ku ahaa dadkii berigaa ka hor yimid dhaq-dhaqaaqiisa, labadoodana waxay ku xukuman dadkaas iney gaaloobeen, waatuu Sayidku lahaa: Nin aqdaama Ferenjiga, maantiyo abuurriin Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara Ama adhiga buu qala, ama laba ugaadhsada Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo. Intaas ayaan hadda hayaaye, adinkuna bal ku yara dar-dara. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 28, 2009 Sayidka iyo Alshabaab la isma barbar dhigi karo, maaha isku mabda' isku ujeedo iyo isku dagaal midna. Sayidka was a man of principles and freedom fighter despite his mistakes ,,,,, Alshabaab are not. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 28, 2009 Ina cabdulla xassan , gaalu , la dagaalameye cad cad , alshabaab muslimkii bay laaynayan, inkastow ina cabdulla xasan ba muslim laaye laakin halkangaasii halgan ka duwan buu aha kan maanta socda.. kan halgan ugu ma yeedhii karro. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted October 28, 2009 Gefaf samee Seyid-ku laakiin caddaalad darro baa ka muuqata in labada halgan lays barbar dhigo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted October 28, 2009 Only those who are ignorant of Sayid’s struggle would attempt do compare him with these intolerant, takfiiri forces. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted October 28, 2009 Allah!, Sayidka Takfiir kuma yareyn oo Shabaabka isagaaba ka darnaayoo Beelo dhan ayuu Gaaleysiiyey, Xoolahoodana xalaashaday, tixaha gabayga ee kore-na si cad ayay u qeexayaane, wax kale ma heysaan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted October 28, 2009 If one supports AS, one should do so without resorting to draw false parallels. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted October 28, 2009 ^waxaan u maleyn meelo aad Monoboly ku heysataa jiray, Taariikhda sayidka keligaa kuuma Xakir-na, waa la wada yaqaannaa waana qoranyahay, teeda kale qofka waa inuu beenta ka xishoodaa, horena waan kuugu arkay, laakiin: 'Ithaa lam tastaxi fasnac maa shi't' Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted October 28, 2009 Lool@comparing godane's affarey to Sayd's gabayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 28, 2009 Abu suber is a great poet xata af carabii buu ku gabyee maanad dhagayssan lol ha uu gafin Axmed cabdi Aw muxummad Godane. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 28, 2009 maxaad isu tihiin ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted October 28, 2009 Waa su'aal qurux badan tolow jawaab u qalanta Xaaji-gu ma dhiibi doonaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 28, 2009 Siduu magaciisa oo afran u hayo ayaaban ka yaabay ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sherban Shabeel Posted October 28, 2009 *barf* Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted October 28, 2009 ^ Could ever Ina Godane & Sayidka become comparable or the Alshabaab & Dervish? May be 22 years from now, the two will be synonymous (minus the suicide car bomb blasts)! Quote Share this post Link to post Share on other sites