Sign in to follow this  
Deeq A.

ATMIS oo beenisay in ay ku lug leedahay is doorashada ka socota Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay inay dhexdhexaad ka yihiin khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Qoraal ay soo saareen, ATMIS waxay ku tilmaameen in muranka doorashada Jubbaland uu yahay arrin u baahan in lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad.

Qoraalka ATMIS ayaa yimid kadib markii warbaahinta qaarkeed sheegtay in booliska ATMIS ay ku lug leeyihiin doorashada Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland. ATMIS waxay sheegeen inaysan arrintaas qayb ka ahayn, balse ay ka walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee jira.

ATMIS waxay ku baaqday in dhammaan dhinacyadu isku tanaasulaan oo ay wadahadal ku dhammeeyaan muranka, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in doorkooda uu yahay mid ku saleysan taageerida nabadda iyo amniga, iyadoo aan cid gaar ah la taageerayn.

Eedeymo kale ayaa loo jeediyay ciidamada Kenya ee ATMIS qeybta ka ah, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay dhinac u janjeeraan. Si kastaba ha ahaatee, ATMIS iyo ciidamada Kenya waxay ku adkeysteen inay dhexdhexaad yihiin, ayna taageerayaan dadaallada lagu gaarayo nabad waarta.

Dadka deegaanka iyo bulshada rayidka ah ayaa sidoo kale ku baaqay in ATMIS ay caddeyso mowqifkeeda si looga fogaado xiisad kale oo cusub oo ka dhalata muranka doorashada Jubbaland.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this