Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo si adag hadlay Sarkaal ka tirsanaa oo Kismaayo lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay falkii foosha xumaa ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo halkaas oo uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidanka boliiska.

Taliska waxa uu sheegay in uu waddo baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u dhacday shaqaqadaas sarkaalkaas ku nafwaayay.

Warka kasoo baxay taliska Ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in sharciga lala tiigsan doonaa cid kasta oo ku lug yeelata waxaana laga qaadi doonaa talaabo adag.

“Boliiska Soomaaliyeed markasta waxa ka go’an sugidda nabadda iyo badbaadada bulshada. Falalka noocan oo kale ahna lagama aqbali doono cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato nabadda iyo amniga qaranka”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this