Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka oo Dadaal Ku Jirta Soo Celinta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Laga Soo Badbaadiyay Madagascar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dadaallo lagu doonayo in dalka dib loogu soo celiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay biyaha dalka Jasiiradda Madagascar.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daud Aweis, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa faahfaahin ka bixiyay masiibadaas, isaga oo tacsi u diray qoysaska 22-kii ruux ee ku naf waayay dhacdadan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in 48 qof oo kale la soo badbaadiyay, kuwaas oo haatan ay gacanta ku hayaan mas’uuliyiinta Dowladda Madagascar.

Mudane Daud Aweis ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka ay si dhow ula shaqeyneyso hay’adaha caalamiga ah iyo Dowladda Madagascar si loo fududeeyo soo celinta muwaadiniintaas.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nolosha iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan xaaladaha halista ah ee ka baxsan dalka.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku bogaadiyay Dowladda Madagascar doorka ay ka qaadatay badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto xiriirada lagu hubinayo in dadkaasi si nabad ah loogu soo celiyo dalkooda hooyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this