Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo mamnuucday Khamaarka 1xBet iyo kaararka gaarka ah ee Private Numbers

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpg?resize=960%2C534&ssl=1

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u mamnuucday adeegyada shirkadda Khamaarka ee 1xBet, islamarkaana joojisay kaararka gaarka loo furto ee (Private Numbers).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu mamnuucay adeegyada shirkadda Khamaarka ee 1xBet waxaana sidoo kale lagu joojiyay kaararka gaarka loo furto ee Private Numbers.

Madaxweyne Deni ayaa ku amray shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan furista Private Numbers-ka sidoo kalena la xiro dhammaan kaararkii horay loo bixiyay ee Private-ka ahaa, sida ku cad Wareegtada uu soo saaray.

Halkan ka akhriso Wareegtada Madaxweyne Deni.

FB_IMG_1732391257160.jpg?resize=720%2C97

PUNTLAND POST

The post Puntland oo mamnuucday Khamaarka 1xBet iyo kaararka gaarka ah ee Private Numbers appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this