Sign in to follow this  
Deeq A.

Putin oo digniin u diray reer galbeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in weerar ay ciidamadiisu ku qaadeen bariga Ukraine ee magaalada Dnipro subaxnimadii Khamiista, uu ahaa mid loo adeegsaday “gantaal cusub oo ah kuwa riddada dhexe”.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa isna dhankiisa sheegay, in adeegsiga Ruushka ee gantaalkan cusub uu ahaa mid xaaladda dagaal uga sii daraysa.

Khamiistii shalay ahayd, Ukraine ayaa markii ugu horeysay gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK ku riday bartilmaameedyo ku yaala gudaha Ruushka.

Putin ayaa sheegay in gantaalka nooca Oreshnik, inuu jawaab u ahaa adeegsiga Ukraine ee gantaallada riddada dheer ee Mareykanka iyo Ingiriiska oo lala bartilmaameedsaday gudaha qeybo kamid ah dalka Ruushka.

Putin ayaa intaa ku daray, in Ruushku uu weerari karo xarumaha militariga ee dalalkaas ee Ukraine u ogolaaday in hubkooda qaabkaas u adeegsadaan.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Ukraine u fasaxay inay adeegsato gantaallada nooca riddada dheer ee ATACMS iyo gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK.

Dalka ay dagaalladu aafeeyeen ayaa hore loogu xaddiday in uu gudaha Ruushka u isticmaalo gantaallada riddada dheer.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa marar badan ugu baaqay xulafada reer galbeedka ee Kyiv inay ogolaadaan adeegsiga gantaalada riddada dheer ee lagu bartilmaameedsanayo gudaha Ruushka, isagoo sheegay inay tahay habka kaliya ee lagu soo afjari karo dagaalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this