Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Xukun Ku Ridday Nin Qaxooti Soomaaliyeed ah oo lagu helay dambi isku day kufsi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad ku taalla Waqooyiga Ireland ayaa maanta lix bilood oo xabsi ah ku xukuntay Cabdullaahi Salaad, oo ah 23 jir Soomaali ah, ka dib markii lagu helay inuu isku day kufsi ah ku sameeyey kalkaaliso caafimaad iyo sarkaalad booliska ka tirsan.

Garsooraha Maxkamadda Degmada, Nigel Broderick, ayaa amar ku bixiyey in Salaad uu muddo todobo sano ah iska diiwaangeliyo liiska dambiyada dalkaasi si loola socdo

Dacwad-oogaha maxkamadda ayaa sharaxay in dhacdadii ugu horreysay ay ka dhacday cusbitaalka Causeway 29-kii November sanadkii hore, xilligaas oo Salaad uu si kadis ah kula kulmay kalkaalisada oo isku day fal ka baxsan Anshaxa.

Markii booliska la wacay oo Salaad la xiray, ayuu mar kale ku kacay fal galmo ah, isagoo markan gacan saar la sameeyey sarkaalad boolis ah xilliga ay ku guda jirtay shaqadeedii.

Qareenka Salaad Grant Powles, ayaa maxkamadda ka sheegay in eedeysanaha uu qaxooti ku yahay Ireland islamarkaana uu xaalado caafimaad oo maskaxeed sheeganayo, sida maqalka codad aan jirin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this