Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin dilay Mas’uul ka tirsanaa Jaamacad oo xukun dil ah lagu fuliyay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Derejada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Maxamed Abshir Muuse Bootaan.

Ninkaan ayaa lagu helay dilkii Khaalid Cali Khaalid Aw Muuse, guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee Jaamacadda Bariga Afrika.

Dilkan ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso bishii Luulyo ee sanadkan.

Maxkamaddu waxay sidoo kale sagaal sano oo xabsi ah ku xukuntay Axmed Maxamuud Maxamed, oo lagu helay inuu bixiyay gaarigii dilka loo adeegsaday.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sii deysay Laba kale oo dilka lala xiriirinayey kadib markii dembi lagu waayay.

Ehelada marxuumka ayaa soo dhaweeyay xukunka, iyaga oo sheegay inay heleen caddaalad. Ehelada ayaa diiday in ay qaataan diyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this