Sign in to follow this  
Deeq A.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay xeerarka doorashooyinka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) ayaa maanta meel mariyay xeer muhiim ah oo ku saabsan Doorashooyinka Qaranka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano badan oo ka kala socda labada Gole.

Intii ay socotay codbixinta, 169 xildhibaan ayaa taageeray xeerka Doorashooyinka Qaranka, halka labo xildhibaan ay ka soo horjeesteen, midna uu ka aamusay.

Xeerkan ayaa ah mid muhiim u ah habsami u socodka nidaamka doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay xildhibaanada ansixinta xeerkan, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dalka u qaadeyso dhinaca dimoqraadiyadda iyo isbeddelka.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in xeerkan uu yahay mid muhiim u ah in dalka uu u gudbo doorashooyin qof iyo cod ah oo si toos ah uga dhacda guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixo xeerkan si uu dhaqan-gal rasmi ah u yeesho. Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada ku aaddan horumarinta sharciyada dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this