Deeq A. Posted November 23, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay arrimo la xiriira doorashada ka socota Jubbaland, ee uu wado madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo ka biyo diiday qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh. Wasiirka batrolka iyo macdanka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ah wasiirada aadka ugu dhow madaxweynaha ayaa mashruuc faneed ku tilmaamay doorashada ka socota Kismaayo isaga oo si weyn u dhaliilay xulista xildhibaanada iyo doorashada guddoonkooda. Cabdirisaaq ayaa sidoo kale ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu doonayo in uu mar kale isku caano shubo, si uu usii hoggaamiyo maamul goboleedka Jubbaland, balse waxa uu xusay in aanay dhici doonin, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka batrolka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda dhexe aysan marnaba aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashadaasi oo uu ku tilmaamay mid boob ah. “Iyadoo la waafajinayo qorshaha dowlad dhisidda DFS waxaa ka go’an in laga gudbo doorashada dadban ee ku saleysan qabiilka loona gudbo doorasho toos ah oo qof iyo cod ah. Xukuumadu ma aqoonsan doonto natiijada mashruuc faneedka ee lagu soo xulay xildhibaanada, afhayeenka baarlamaanka iyo tan doorashada Madaxweynaha” ayuu yiri. Hadalkan waxaa ka horreeyay go’aan kale oo horay uga soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo lagu diiday doorashada Jubbaland, waxaana isna bayaankaas lagu sheegtay in aanay dowladdu aqbali doonin doorashada lagu deg-degayo ee Jubbaland. Waxaa kale oo jirta in beesha caalamka ay iyaduna ka hortimid qorshaha Axmed Madoobe, iyada oo ugu baaqday inuu kusoo laabto shirka golaha wadatashiga qaranka, si loo dhameeyo xiisadda u dhexeyso isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba, Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday qorshaha dowladda dhexe, wuxuuna sidoo kale dhegaha ka fureystay baaqyada loo dirayo, isaga oo si wata jadwalkiisa doorashada oo dhaceysa 25-ka bishan, waxaana iska cad in Axmed Madoobe uu xajisan doono kursigiisa. Share this post Link to post Share on other sites