Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo ku dhowaaqday bilowga dagaal cusub, dalabna u dirtay…

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-Lugatoor.webp?fit=1200%2C800&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay qaadeyso dagaal cusub oo ka dhan ah kooxaha argagixsada ee haatan ku sugan buuraleyda gobolka Bari.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in maamulka uu qaadayo dagaal mideysan oo lagu sifaynayo kooxaha argagixisada ah ee saldhigtay buuraha deegaannada Puntland, kuwaas oo culeys amni ku ah maamulka.

“Suuj iyo Garmaal waxaa lagu difaacay midnimada reer Puntland iyo qof kasta oo qorigiisa qaatay. Puntland waxay geli doontaa dagaalkii mid lamid ah oo xagjirka lagu la dirirayo,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Lugatoor ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Puntland in ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagu qaadayo argagixisada, islamarkaana uu qof kasta qorigiisa qaato si deegaannada maamulka looga sifeeyo.

“Waa dagaal ay Puntland u midoobi doonto waxaa la rabaa in gabdhuhu kimista dubaan iyo in qof kasta qorigiisa qaato si shar-wadayaasha looga sifeeyo degaannada Puntland.”

Dagaalkan cusub ee madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu ku dhowaaqay ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxda Daacish ku xoogeysatay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Puntland ayaa marar badan dhulka buuraleyda ah ee maamulkaasi kula dagaalantay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, inkastoo weli ay ku sugan yihiin halkaasi.

Dagaalka tooska ah marka laga tego waxaa barbar socda howl-gallo gaar ah oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyaan magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo lagu soo qabtay shabakado isku xiran oo ugu dambeyn lagu xukumay dil, kadibna la toogtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this