Sign in to follow this  
Deeq A.

La-taliyaha gaarka ee madaxweyne Xasan oo fariin culus gaarsiiyay…

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20241121-WA0002.jpg?fit=1080%2C720&s

Algers (Caasimada Online) – La-taliyaha gaarka ee madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa madaxweynaha dalka Algeria Abdelmadjid Tebboune u geeyay fariin uu uga siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Daahir Geelle oo casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalka Algeria ayaa markii uu dhambaalka u geeyay madaxweynaha kadib waxay yeesheen kulan gaar ah.

Kulankan ayaa waxay uga wada-hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Algeria.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay qadiyadda gobolka iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helidda arrimaha ka taagan mandiqadda gobolka.

La-taliyaha gaarka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulanka uu la qaatay madaxweynaha Algeria waxa kale oo ay iskula soo qaadeen xubinnimada guddiga aan jogtada aheyn ee golaha ammaaka Qaramada Midoobay.

Soomaaliya iyo Algeria ayaa labaduba qeyb ka ah guddiga aan jogtada aheyn ee golaha ammaaka ee Qaramada Midoobay.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa weli caalamka ka wada olole ka dhan ah gardarrada Itoobiya ay ku heysto qaranimada Soomaaliya, waxaana muuqata in Soomaaliya aysan ka caajisin inay ka sii ololeyso Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this