Sign in to follow this  
Deeq A.

TURKIGA oo horumar ka gaaray shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Oruc-Reis-scaled.jpg?fit=2560%2C1617&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaaska dabiiciga ah ee maalinlaha ah iyo bilaha ah ee Turkiga iyo wax soo saarka saliidda ceyriinka ah ayaa gaartay rikoor cusub bishii October, sida ay shaacisay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka dabiiciga Turkiga.

Bishii October waxay xustay wasaaradda in wax soo saarka saliida iyo gaaska dabiiciga ah ee maalinlaha uu cel-celis ahaan ahaa 108,443 fuusto iyo 7.9 Cubic-meter oo gaas ah.

Turkiga ayaa sanadkan sii dhammaanaya ee 2024 diiradda saaray gaaska iyo shidaalka, taas oo horumar ballaaran laga sameeyay.

Markabka baaritaanka ee Turkiga ee Oruç Reis ayaa bishii lasoo dhaafay soo gaaray Soomaaliya si uu qiimeyn iyo shidaal baaris uga sameeyo.

Howl-galkan ayaa la filayaa inuu ugu badnaan qaato toddoba bilood, iyadoo xafladii soo dhaweynta ee ka dhacday dekedda Muqdisho lagu saxiixay heshiiska baarista shidaalka Soomaaliya.

Oruç Reis ayaa sidoo kale wuxuu sameyn doona xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Markabka sahminta shidaalka ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato sahminta shidaalka badda Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari karta culeysyada dhaqaale ee dalka muddo dheer la tacaalayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this