Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Daahir Geelle oo Algeriya geeyey farriin culus oo Xasan Sheekh uu ka siday

Recommended Posts

Deeq A.   

Algiers (Caasimada Online) – La-taliyaha gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa Madaxweynaha dalka Algeriya Abdelmadjid Tebboune u geeyay farriin uu uga siday Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Daahir Maxamuud Geelle oo casuumaad rasmi ah ka helay Madaxda dalka Algeria ayaa markii uu dhambaalka u geeyay Madaxweynaha kadib waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay qadiyadda Gobolka iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helidda arrimaha ka taagan mandiqadda Gobolka.

Daahir Geelle ayaa kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune waxaa ka loo ay iskula soo qaadeen xubinnimada guddiga aan jogtada aheyn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya iyo Algeria qeyb ka yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli caalamka ka wada olole ka dhan ah gardarrada Itoobiya ay ku heysto qaranimada Soomaaliya, waxaana muuqata in Soomaaliya aysan ka caajisin inay ka sii ololeyso Itoobiya.

Inta badan caalamka ayaa garab istaagay Soomaaliya, waxaana loo muujiyey in laga gardaran yahay iyo in aysan soconeyn xadgudubyada uga imaanaya dhanka Itoobiyaanka.

Caalamka dhan ayaa hadda daneynaya Soomaaliya, maadaama ay tahay wadan qani ah oo dad furfuran ay ku nool yihiin, waxaana meesha ka sii baxeysa duruuftii lagu nici jiray Soomaaliya oo aheyd dowlad la’aanta.

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa caalamka ka helaya casuumaad, sidoo kale farriimo iyo dhambaalo marxabo wata ayaa si joogto ah caalamka uga soo gaara madaxda Soomaaliya, waxaana lagu bogaadinaya soo kabashada deg degga ah ee socota iyo sida ay dowladdu ugu adkeysaneyso sharuucda caalamiga ah.

Kheyraadka ceegaaga gudaha dalka oo hadda baaritaan lagu bilaabay, deyn cafinta, dib u habeynta maaliyadda dalka, kororka dakhliga dalka, ka soo kabashada dagaaladii sokeeye, maalgashiga iyo dalkaan dihan ee xogtiisu caalamka gaartay ayaa sababtay in aad loo daneeyo Soomaaliya.

WhatsApp-Image-2024-11-21-at-8.01.48-PM- WhatsApp-Image-2024-11-21-at-8.01.48-PM. WhatsApp-Image-2024-11-21-at-8.01.49-PM- WhatsApp-Image-2024-11-21-at-8.01.49-PM- WhatsApp-Image-2024-11-21-at-8.01.49-PM. WhatsApp-Image-2024-11-21-at-8.01.50-PM- WhatsApp-Image-2024-11-21-at-8.01.50-PM. WhatsApp-Image-2024-11-21-at-8.01.51-PM- WhatsApp-Image-2024-11-21-at-8.01.51-PM. WhatsApp-Image-2024-11-21-at-8.01.52-PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this