Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Ruushka oo si adag ugu hanjabay dalalka Reer Galbeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
WNHJGVHJEVO7XEZYVSUY2GCGCI.jpg?w=1000&ss

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in weerar ay ciidamadiisu ku qaadeen bariga Ukraine ee magaalada Dnipro subaxnimadii Khamiista, uu ahaa mid loo adeegsaday “gantaal cusub oo ah kuwa riddada dhexe.”

Putin ayaa sheegay in gantaalka nooca Oreshnik, inuu jawaab u ahaa adeegsiga Ukraine ee gantaallada riddada dheer ee Mareykanka iyo Ingiriiska oo lala bartilmaameedsaday gudaha qeybo kamid ah dalka Ruushka.

Putin ayaa intaa ku daray, in Ruushku uu weerari karo xarumaha militariga ee dalalkaas ee Ukraine u ogolaaday in hubkooda qaabkaas u adeegsadaan.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Ukraine u fasaxay inay adeegsato gantaallada nooca riddada dheer ee ATACMS iyo gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa marar badan ugu baaqay xulafada reer galbeedka ee Kyiv inay ogolaadaan adeegsiga gantaalada riddada dheer ee lagu bartilmaameedsanayo gudaha Ruushka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Ruushka oo si adag ugu hanjabay dalalka Reer Galbeedka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this