Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse muxuu ka yiri macallinka Soomaaliyeed ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay maalinta macallinka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in baraha Soomaaliyeed looga fadhiyo in uu soo saaro arday leh dareen waddaniyadeed, kana hufan musuq, eex iyo qabyaalad, kuwaas oo kamid ah dhibaatooyinka saameynta taban ku yeeshay dadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in muddadii labada sano ahayd ee ay shaqeynaysay Xukuumaddiisu  la shaqaaleysiiyey 6,000 oo macallin, lana gaarsiin doono ilaa 10, 000 mustaqbalka dhow.
Mudane Xamsa, ayaa bogaadiyey doorka macallimiinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed iyo saameynta wanaagsan ee ay ku leeyihiin mustaqbalka dalka, isaga oo ku boorriyey bulshada in ay taageeraan waxbarashada, si loo helo jiil aqoon leh oo ka guul gaara horumarinta dalka.

“Macallinku waa halgamaa naftiisa iyo maskaxdiisa u huraya barbaabarin ubadka Soomaaliyeed, waxa ay saldhig u yihiin mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed, waxaana bogaadinayaa doorka aad ka qaadataan horumarka Qaranka, waxaana naga go’an in aan garab istaagno macallinka Soomaaliyeed oo ku shaqeeya duruufo adag, heeganna ugu jira badbaadada ubadka Soomaaliyeed”.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ballan qaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu taageerayo waxbarashada iyo horumarinta tayada macalimiinta, taas oo tiir-dhexaad u ah horumarka bulshada iyo ciribtirka jahliga.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this