Deeq A. Posted November 21, 2024 Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Sakariye Asad Faarax oo horay dil uga gaystay deegaan hoostaga magaalada Guriceel ee gobolkaasi. Sakariye ayaa lagu helay inuu dilay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Khaliif Faarax, waxaana maxkamadeyntiisa ay soo martay heerar kala duwan. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Galmudug Cabdixakiin Maxamed Xirsi oo warbaahinta kula hadlay fagaaraha toogashada oo ka dhacday Dhuusamareeb ayaa bulshadal la wadaagay sida ay qisaastaasi u dhacday. Xirsi ayaa sheegay in Sakariye lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay, kadibna uu qaatay racfaan mar kalena lagu xukumay dil toogasho ah oo saaka lagu fuliyay. “Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-11-2024 waxaa gacan ku dhiigle Sakariye Asad Faarax, waa billaahi Towfiiq” ayuu yiri ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Galmudug. Goobta toogashada waxaa u sugna mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, saraakiisha maxkamadda, ehellada iyo boqalaal shacab ah oo tegay baxaradda lagu qisaasay marxuumka. Horay sidaan oo kale ayaa maxkamadda gobolka Galgaduud waxay toogasho ugu fulisay shaqsiyaad dilal ka gaystay deegaanada Galmudug, si xal loogu helo dilalka socda. Share this post Link to post Share on other sites