Deeq A. Posted November 21 Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa haatan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland lagu soo gaba-gabeeysy doorashada guddoonka cusub ee golaha wakiilada Jubbaland. Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa markii saddexaad loo doortay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada dowlad-goboleedka Jubbaland. Guddoomiyaha cusub ayaa wuxuu helay 65 cod, halka Ismaaciil Cabdi Keerow oo ahaa musharaxa kaliya ee la tartamayay Sheekh Cabdi uu helay 7 cod, halka ay xumaadeen 3 cod, sida uu shaaciyay natiijada guddigii doorashada ee guddoonka golaha wakiilada Jubbaland. Xildhibaannada codeeyay ayaa ka kooban illaa 75 xubnood oo ay dhowaan soo xuleen odayaasha dhaqanka ee beelaha Jubbaland. Doorashada guddoonka ee maanta dhacday ayaa waxaa xigi doonto midda madaxtooyada oo iyana la qabanayo isla 25-ka bishaan Novermber, taas oo lagu wado in mar kale lagu soo doorto madaxweyne Axmed Madoobe. Dhaq-dhaqaaqa doorasho ee haatan ka socda Jubbaland waxaa diidan dowladda dhexe oo horay u sheegtay in aanay aqbali doonin natiijada kasoo baxda, waxayna ku eedeysay Axmed Madoobe inuu doonayo inuu mar kale isku caana shubo hoggaanka Jubbaland. Dowladda Xasan Sheekh ayaa ku andacooneysa inay dalka gaarsiineyso doorasho qof iyo cod ah, ayadoo baarlamaanka federaalka Soomaaliya marsatay sharciyo dhowr ah oo dhabaha u xaaraya nidaamkan doorasho. Share this post Link to post Share on other sites