Deeq A. Posted November 21, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey magacaabista agaasimaha guud ee hay’adda istaatistikada qaranka. Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay Dr.Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed, iyadoo golaha uu maanta ansixiyay kadib soo jeedinta wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha. Shirka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, keydinta bacrimiyayaasha beeraha iyo horumarinta deegyada caafimaadka dalka. Intii uu socday shirka, ayaa wasaaraddaha amniga iyo difaaca waxay soo bandhigtay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga ee dalka, iyada oo diiradda lagu saarayay qorsheyaasha dowladda ee amniga, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo ka hortagga falalka amni darro. Waxa kale oo shirka lagu soo bandhigay qorsheyaal ku saabsan kor u qaadista iyo keydinta bacrimiyayaasha beeraha, si looga hortago dhibaatada abaaraha iyo in la taageero beeraleyda. Sidoo kale, wasaaaradda caafimaadka ayaa soo bandhigay warbixin ku aadan adeegyada caafimaadka ee ka jira dalka, gaar ahaan dhinacyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, daaweynta cudurrada faafa, iyo sidii loo heli lahaa qalab tayo leh. Share this post Link to post Share on other sites