Deeq A. Posted 19 hours ago Hargeysa,(Qaran news)-Shilinka Somaliland oo sanadkii u danbeeyay sii degaayay ayaa hada kor u soo kacay Labadii cisho ee u danbeeyay marka aad u eegto doolarka Maraykanka. Boqolka doolar ayaa gaadhay Hal Milyan iyo Sadex boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah, xaga uu maanta goobaha qaar maraayo Sagaal boqol iyo sodon kun oo shilka Somaliland, mar aan maanta la kulanay qaar ka mid ah sariflayaasha magaalada Hargeysa ayaa noo sheegay in uu shilinku si dhakhso ah ugu noqon doono xagiisii caadig ahayd. Dhanka kale waxa aad suuqyada Hargeisa ku arkaysaa waxa kala iibsiga badeecadaha oo si xawli leh ku socda. Mid ka mid ah dukaan layda Hargeisa ayaa noo xaqiijiyay in ay maceeshadu ay wax yar hoos ugu dhacaday oo ay si fiican dhulka u gali doonto dhawaan. Waxa sidoo kale la filyaa wiigaga soo socda in uu kor u kici doono kala iibsiga dhulka iyo iyada oo ay dalka ka bilaabmi doonaan dib u dhiska guryaha iyada oo ay hada soo badanyaan meherado ganacsi oo kala jaad ahi. Isku soo wada duube, ee waxa guulaysatay shilinka Somaliland iyada oo uu daba socdo guushii doorashada ee shicibka Somaliland ku guulaysteen isbedelka Qaran News Share this post Link to post Share on other sites