Sign in to follow this  
Deeq A.

maalinta macallinka Soomaaliyeed oo maanta dalka laga xusayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ayadoo snad walba maantoo kale 21-ka bisha November la xuso maalinta macallinka Soomaaliyeed yaa Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo ku aaddan maalinta Macalinka ee 21-ka November u dirtay dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo kamid ah madaxda dowladda ayaa dhamballo tahniyad ah u diray bareyaasha Soomaaliyeed, ayagoo ku booriyay inay u dhabar adaygaan howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

21-kii november ee sanadkii 1974-tii ayaa la asteeyay in maalintaasi ay noqato dharaar sanad walba la xuso, laguna muujiyo kaalinta laf-dhabarka u ah nolosha bulshada iyo hormarka dalka ee ay macallimiintu ku jiraan, taas oo aan la’aanteed tisqaad iyo tillaabsi hormar toona la hawaysteen.

Bareyaasha Soomaaliyeed ayaa haatan ku shaqeeya daruufo adag oo ay kamid yihiin xuquuqda ay helaan oo aad u yar iyo anshaxii ardayda oo is badelay, taas oo barbaarintooda iyo waxbariddooda ka dhigtay howl howkar iyo culays laga maro.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this