Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Cabdi oo Markii Saddexaad loo Doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa mar kale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Doorashadan oo ka dhacday magaalada Kismaayo, ayaa Sheekh Cabdi ku helay 65 cod, isagoo ka adkaaday Ismaaciil Cabdi Keerow, musharaxa kaliya ee la tartamayay, kaas oo helay 7 cod.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale sheegay in 3 cod ay noqdeen kuwo xumaaday.

Doorashadan ayaa ahayd tii saddexaad ee Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan uu ku guuleysto, taas oo muujineysa taageerada ballaaran ee uu ka haysto xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland iyo Madaxweynaha Jubbaland oo ay Saaxiibo dhow yihiin.

Doorashadan waxaa si weyn u diiday dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan aqbali doonin natiijada kasoo baxda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this